Sii Daynta Walaalkay Waxay Ku Xidhnayd Ka Bixistayda Dalkayga Hooyo.
Bismilaahi Raxmaani Raxiim.
Sii daynta walaalkay waxay ku xidhnayd ka bixistayda dalkayga hooyo.
Muddo shan sanno ah baa aan ku sugnaa Somaliland. Shanta sanno shaqsiyan
wax walba oo aniga gaar ii soo gaadha diyaar baa aan u ahaa, wixii aan kula
kulmana hadday tahay xadhig, dhib iyo hagardaamaba wax aan u badheedhay baa ay
ahayd, waxa aanan aaminsanahay in aan caddaalad-darro iyo dulmi uun diidana.
Haddaba, muddooyinkii u danbeeyey dhibtii aniga waa ay i soo dhaaftay, waxa
xukuumaddu u gudbisay qoyskayagii iyo asxaabtaydii. Waxa dhawr maalmood ka hor
askari u daadatay nin aannu saaxiibnahay, oo buugga "Mayal” nuqulo ka mid ah
ila qaybinaayay, sidoo kale waxa sirdoonku dabagaleen oo hanjabaad la daba
taagnaayeen Abwaan Cabdishakur Axmed Cabdi Caateeye oo la ii tirinaayay, in uu
isagu idiin warramana waan jeclaa.
Sabtidii taariikhdu ahayd 05. 03. 2022, waxa tobankii subaxnimo qaar ka mid ah ciidanka sirdoonku afduubteen
walaalkay iga yar Noradin Abees, oo inta indhaha laga xidhay la geeyay qol
madow. Waxa la weyddiinaayay arrimo aniga igu saabsan, sida, Cabdiraxmaan
gaadhigiisii maalmahan guriga ma yaallo, ee xagguu geeyay? Buuggaagta la
qaybiyay ee baxay waa imisa? Maxaa uu u soo bandhigi waayay buugga? Maxaa uu u
soo dhigay qoraalka noocaas ah? Maxa uu ku hawlan yahay? IWM. Su’aalaha aniga
waa i weyddiin karaayeen oo ma dhuuman, daqiiqad walba sirdoonkoodu halka aan
joogay waa ka war hayeen.
Muddoba xukuumaddu waxa ay ka shaqaynaysay sidii aan dalka uga baxi
lahaa, markii ay ogaadeen in aanan cagojugleyn, xadhig iyo wixii la mid ah ee
kale midna ka baaqanaynin waxa aan aaminsanahay, ayaa ay bilaabeen daandaansi
hor leh iyo in qoyskayaga iyo asxaabta inta aan isku xidhanahay la dhibo.
Ujeedooyinka laga leeyahay tana waa cabsi gelin ama in aan uga falceliyo si
khaldan, taas oo iyaga xadhiggayga gar u siinaysa marka la taagan yahay aragtida guud ee
bulshada (rayul caamka).
Sidaa darteed, waxa aan fahmay haddii aan dalka ka baxo in walaalkay ay
soo dayn doonaan, inta aan joogana uu inanka yar ee aan waxba galabsani uu
xidhnaan doono, oo labada ayaa isku xidhnaa, subaxay xidheen ayaa aan baxay
gelinkiisii danbe, oo ay soo daayeen iyaguna. Ilaa hadda waxa ay sirdoonku ka
haystaan Nuuradiin tilifoonkiisii gacanta.
Naxdinta, hanjabaada iyo dagaalka xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ku
soo qaaday qoyskayga iyo asxaabtayda qaarkood si aan uga badbaadiyo, ugana hor
tago mushkilad kale oo dhankan kalana ka timaadda darteed waxa aan xal u arkay
in lagama maarmaan ay tahay in aan dalka ka baxo. Ta kale ee aan ka hortagayna
waa in ujeeddadii weynayd ee aan siday wax ka duwan aanay iiga leexin.
Sidii roon Allahayoow.
Abwaan Cabdiraxman Abees.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!