Axkaamta Ramadaanta Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub Qaybtii 23aad
Ictikaafku Rasuulkeenna CSW hortii wuxu ahaa cibaado lala iman jiray, sida Alle SWT sheegay ba, "Waxa asnnu kula ballanay Ibraahim iyo Ismaaciil in ay u nadiifiyaan gurigayga ‘Kacbada’ kuwa dawaafaya, iyo ictikaafaya.”
Sida oo kale Ictikaafku wuxu leeyahay Axkaam, Shuruud, Adaab iyo wax jabiya markaa haddaynu iska soo ururino waxa aynnu ku soo koobi lahayn:-
Axkaamta ictikaafka
- Waa sunne
- Waa sunne la adkeeyey tobanka dambe ee ramadaan
- Waajib ayuu noqonaya haddu qofku ku nadro
Shurudaha ictikaafka
- Niyadda in aad galiso inaad ictikaafayso, waa laga marmaan waayo niyaddaa wax kala saarta in aad maasajidka iska fadhido iyo inaad ku ictikaafayso.
- In aanad maasajidka ka bixin cudur daar la’aan sida in aad wax soo cunayso, soo maydhanayso, iwm.
Adaabta ictikaafka
- In aad ku mashquusho Quraan akhris, digri iyo duco badan
- In aad iska ilaaliso hadalka badan
- Xanta iyo isku dirka iyo malayacniga waa in aad ka fogaataa
- In aanad la soo dhex gelin maasajidka wax wakhtiga ka qaada sida game, ama lapton aad internet ku soo xidhato oo aad halka dadka kala sheekaysato wakhtigii cibadadana kaa lumiya.
Waxa buriya ictikaafka
- Galmada
- Dhiigga caadada
- Qofka oo ka baxa maasajidka cudur daar la’aan
- Qofka oo diinta ka baxa
Bogga Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub
Caddaloolka Faysbuugga: Hoyga Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub
Email: [email protected]
Tell: 063 440 85 03. 97 08 515
SheekhRakuub.wordpress.com
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!