" Doorasho Xiligeedda Kasoo Horaysay Xeerkeenu Ma Yaqaano" .

0
Tuesday March 08, 2022 - 09:41:53 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 994
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    " Doorasho Xiligeedda Kasoo Horaysay Xeerkeenu Ma Yaqaano" .

    WQ. Xildhibaan Guruuje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WQ. Xildhibaan Guruuje

Somaliland Haayad kasta oo doorasho ku timaadaa waxay leedehey muddo doorasho cayiman , sidda madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa , golaha wakiiladda , deegaanadda iyo ururadda siyaasadda.



Haayad kasta waxaa doorashadeeda la qabtaa bisha ugu danbaysa mudda xileedkeedda , waxaaney xilka wareejisaa bil ka dib maalinta doorashadda halkaasina waa mid cad oo qeexan.


Sidda keliya ee doorasho xiligeedda ka horaysa loo qaban karaana waa in haayadaasi meesha ka baxda sidda in golaha wakiiladda la kala dirro , in golaha deegaanka la kala diro ama in madaxwaynahu is casilo laakiin haayad aan waqtigeeddi dhamaanin doorashadeeda xeer sheegayaa ma jirro .


Caqabadda labaad ee hortaagan doorashadda ururaddu waa in aanu jirin xeerkii laggu qaban lahaa doorashadda ururaddu, maxaa yeeley xeerka doorashooyinka ee xeer No 93 wuxuu ka hadlaa keliya doorashooyinka madaxtooyadda iyo goleyaasha deegaanka iyo baarlamaanka.


Si kastaba ha ahaatee doorashadda waqtigeedu ugu soo horeeyo somaliland xeerkeeduna diyaarsan yahey waa doorashadda madaxtooyadda doorashadda ururadda kalkeedana waa lagga soo horeeyaa xeerkeedina diyaar maaha .

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...