Hargaysi Sidan Caasimad Kuma Sii Ahaan Karto

0
Monday March 07, 2022 - 11:08:12 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1152
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Hargaysi Sidan Caasimad Kuma Sii Ahaan Karto

    Sidan xaalku hadda yahay Hargaysi caasimad kuma sii ahaan karto

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidan xaalku hadda yahay Hargaysi caasimad kuma sii ahaan karto

4-casho oo aan Berbera joogay, waxaan dareemay inaan joogo magaalo nidaamsan xagga wadooyinka, caalamadaha wado marista iyo gooladaha isku wareega ah ee samxada baabuurta lagu kala jabiyo. Hargaysa ayaan shalay ku soo laabtay, gurigayga oo Jigjiga yar ku yaala ilaa Dawladda Hoose waxaan u soo socday Saacad, halkaan Berbera ilaa Hargaysa u soo socday Saacad iyo Badh. Maayarka Magaaladda Hargaysa Saxiibkay Cabdikariim Axmed Moogge bal horta doog cagaaran iyo indho doogsi haynoo danbeeye  wadooyinku siday u kala muhiimsan yihiin Maayar u kala horraysi.



Wadada 150-ka haddii aad qorshe u samaysaan magaalada culays badan oo cidhiidhiga gaadiidka ayay ka furan lahayd, laba wado oo kaliya oo mid galitaan ah iyo mid bixitaan ah ayay ku soo koobmeen wadooyinka wadnaha Caadimadda tagaayay. Labadii wadana maha kuwo hagaagsan oo habaysan, mida  dhakhtarka dabadiisa marta kalyo xanuun ayaa laga qaadaya. Wadooyinka xaafadaha waxa Maayar ka muhiimsan wadooyinka wadnaha Magaalada waraabiya. Mida kale nidaamkan qariban ee Cali Warancadde dajiyay waagu Wasiirka daakhiliga aha maha mid caqliyaysan, nidaamkaas oo ah wado galida iyo mid bixida kuma fadhiyo qorshe wax ka taraaya samxada gaadiidka. Maayar anigu waxaan kamid aha Dadkii qabay in lagugu tijaabiyo Maayarka Caasimadda, waayo siday Istanbul isugu dhex daad sanayd  Recep Tayyip Erdoğan intaanu maayarka ka noqon ayay Hargaysa u qasnayd maayarnimadaada ka hor walina u qasantahay. Ilaa hadana lama arko qorshe cad oo mudaysan oo  Caasimadu u raacayso isbadal nidaamsan.  Sidan xaalku hadda yahay  Hargaysi caasimad kuma sii ahaan karto. Qurux iyo dooga cagaaran waxa ka horreeya in wadooyinkan yoomal qiyaamihi la moodo hal-abuur lagu tanaado  aad u curisaan.

Tusan.

Muniir Axmed Cigaal

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...