Talo Ku Socota Maamulka Dowladda Hoose ee C. Hargeysa

0
Monday March 07, 2022 - 08:53:30 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 943
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Talo Ku Socota Maamulka Dowladda Hoose ee C. Hargeysa

    "Waxaan maanta u Kuurgalay Waddada weyn ee Jidka Waddanaha Caasimadda Hargeysa"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaan maanta u Kuurgalay Waddada weyn ee Jidka Waddanaha Caasimadda Hargeysa"

Caasimadda Hargeysa dhibaatooyinka Haysta ee Xaga Bilicda iyo Fayo dhawrka Caafimaadka Caasimadda ku lidiga ah ama Xumeeya Meelaha Suuqyada iyo Farasmagaalaha isla markaana Qashin iyo Hadhaaga noocyada Cuntooyinka lagu daadiyaa Waddooyinka muhiimka ee Hargeysa waxa qayb wayn ku leh dadka Itoobiyaanka ee Suuqyadda Hargeysa ka Dawarsada kuwaasi oo Horumarkii iyo Bilicdii Caasimadda ay Dowladda Hoose ka waday dhaawac ku ah.



Waxaan maanta u Kuurgalay Waddada weyn ee Jidka Waddanaha Caasimadda Hargeysa gaar ahaan Waddadda dhex marta Xarunta Shirkadda  Telesom iyo  Suuqa Weyn ee Waaheen (Ex. Suuqii hore ee Shiraaqle)  ee Hargeysa ee Madaxtooyaddana hormarta waxaanan halka kula Kulmay Dad Haween Caruur iyo Waayeelba iskugu jira oo Itoobiyaan ah balse magaaladda Ka Dawarsada oo qaarkood Halkaasi Sida Caadiga ah Labada Haad ee Jidka Laamida ee Dhirta ay Dowladihii hore ee Hoose ku Beereen Jidka Labada haad ah dhexdooda oo ay Fadhiistaan Dadkani maalin kastana halkaasi Cuntooyinka ay Hudheeladda ka Soo Dawarsadaan la yimaada iyaga oo markay Cuntadaasi Cunaan Hambada iyo Hadhaaga ay Lafaha' Bacaha iyo Caagadaha ay   ka mid yihiin Taarka Dhirta lagu dhex Beeray ee Labada Haad ee Laamida ku dhex yaala ay ku dhex Tuuraan taasi oo Qashinkaasi Bilic xumo ku ah Caasimadda Hargeysa iyo horumarka ka socda ay ka dhalatay.


Waxaan ugu dambayn maamulka Dowladda Hoose ee Caasimadda Hargeysa ee ay hogaamiyaan Mayor Abdikarim Ahmed Mooge ' Mayor ku Xigeen  Khadar-Nur Ahmed Omer iyo Xoghaye Siciid Jaamac u soo jeedinlahaa inay Dadkani Itoobiyaanka ah ee Oromada u badan ee Caasimadda Hargeysa ka Dawarsada isla markaana Hadhaaga waxyaabaha ay Cuntooyinka ka isticimaalaan Waddooyinka dhexdeeda iyo Taarka waddada ku dhexyaala ee Dhirtu ay ku beeran tahay Qashinkaasi ku dhextuuraya waa inay Dowladda hoose dadkaasi Talaabo ka qaada ama ugu yaraan markay Waddooyinka Dhexdooda Wixii ay cunayaan ku cunaan lagu la xisaabtamo in aanay Qashinka iyo Hadhaaga ay wataan kaga tegin kuna dhex Tuurin goobahan farasmagaalaha Caasimadda Hargeysa  ah ee ay Bilic xumaanta iyo Fayo dhawr xumadda ku hayaan dadkan Laajiga ee Waddanka Itoobiya Asal ahaan u dhashay balse ka Dawarsada magaalooyinka Somaliland ee ay C. Hargeysa ka mid tahay.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...