Somaliland: Ninkeed Cuna !

0
Monday March 07, 2022 - 08:46:51 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 977
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland: Ninkeed Cuna !

    Asalaamu Calaykum

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Asalaamu Calaykum

Nin ina Qaalib la yidhaahdo oo asal ahaan reer Dhagaxbuur ah oo magaalada Leicester ku nool ayaa xiligii Madaxweyne Daahir Riyaale uu Somaliland xukumayay wuxuu igu yidhi  Kaysarow Daahir Riyaale cadaabul-qabrri ma laha ! Intaan yaabay ayaan ku idhi sideed ku ogaatay inuu cadaabul-qabrri la kulmayo iyo in kale?



Wuxuu igu yidhi ma nin Iidoor/Isaaq la yidhi u tali ayaa cadaabul-qabrri  uu u hadhay Ifkaa lagu cadaabaye...

Waxaa sheekadan isoo xasuusiyay Wasiirka Wasaaradda Biyaha Somaliland Mudane Cali Xasan oo ku magac dheer "cali marreexaan" ayaa isaga oo socdaal ku maraya gobolada Bari waxa jidka uu kula kulmay Hooyo iyo Ilmaheedii oo meel miyi ah dariiqa dhex lugaynaya oo rafaad uu ka muuqdo.


Wasiir Cali Marreexaan intuu gaadhigii joojiyay   oo uu ka degay ayuu Kartoon biyo ah, Timir iyo waxoogay Buskud ah siiyay hooyadii iyo ilmaheedii saxaaraha lugaynayay.


  Yaa dareemi kara farxada hooyadaa iyo ilmahaa cidlada lugaynayay ee gaadhigaas xiimayaa uu la kulmay ee biyaha iyo soortaas yar uu siiyay. Taas ayaa dacaayad looga dhigay Wasiirkii, bal ka warrama haddii uu  iska dhaafi lahaa oo aanuu gaadhiga uga dageen? Dacaayad miyuu la kulmi lahaa ?


Inkasta oo Shacbigu uu xaq u leeyahay inuu la xisaabtamo madaxdooda, hadana waxaad moodaa in teena uu dheeraad ku jiro oo si hubsiimo la'aan ah aynu u bahdilno una niyad jebino madaxdeena.


Waxaan filayaa in Shan bilood oo keliya ay tahay mudada uu Cali Marreexaan xilka Wasiirnimo ee Biyaha uu hayay, mudadaas koobana waxa uu wax ka qabtay Ceelal tiro badan oo uu dhisay iyo kuwo badan oo uu  dayac tiray, run ahaana intaan ka aqaano waa nin wax-qabad oo had iyo goor isu xil saara ka midho dhalinta masuuliyada uu hayo.


Waxaan Dadweynaha reer Somaliland usoo jeedinayaa inay ka gudbaan niyad jabinta, la hadhka iyo Aflagaadooyinka madaxda aanay haynin wax gaabis ah oo ay ku kaceen, waxaana loo baahan yahay in fursad la siiyo masuulka xilka loo dhiibay intaan mucaaridnimo lagu bilaabin.


Taas macnaheedu maaha in madaxda loo guulwadeeyo, balse waa in fursad la siiyo oo la dhawro qofku wuxuu qabtay iyo siduu wax u qabtay, waana loo baahan yahay in la dhaliilo oo farta lagu fiiqo masuuliyiinta fadhiidka ah,  balse masuul Shan bilood xil hayay oo dedaalaya xaq maaha in la dhaliilo oo la niyad jebiyo.

 

W/Q: Kaysar Maxamed

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...