Goo-gooska Isla Xisaabtanka
Sidda lagu sheegay
warbixinta biyo-xidheenka Gabilay ee
warbaahinta iyo tv yadda laga sii daayay waxaa lagu dhisay muddo dhan 7 bilood
kuna baxday lacag lagu qiyaasay 2 milyan oo dollar. Waxaa uu anfacay
beeralaydii ku dhawayd iyo gaboladda abaaruhu saameyn, waxaa uu u badalay
deegankii ku heerarysanaa dhul cagaaran waxaan ka soo baxay geedo cusub waxa ku
laday shimbiraha noocaydooda kala duwan, dad iyo duunayaba intuu u dhawaday way
ku doogsatay.
Hadii miisaniyadda
Qaranka 40M USD oo kaliy oo ka midda loo
qoondayn lahaa biyo-xidheeno, waxaa la dhisi lahaa 20 biyo xidh-dheeno oo u
dhigmaha kan gabilay oo ku kala yaala gobaladda dalka dhamaantood maanto kalena
xool iyo dad mid ooman lama arkeen abaarahan saaamaynteedu way yaraan lahayd.
Waxaa ayaan darro ah in goolaha cusub lee la doortay dhawaan miisaniyadda duduub ku ansixiyay markaad eego boqolay ahaan inta ay wax ka badaleen. Miisaniyaddu waxay dhaneed guud ahaan 3,447,802,505,538 SL/Shilling oo u dhigan doolar ahaan $415,397,892.23 USD. Golaha sharc-dajintu ama wakiiladdu waxay waxa badal ku sameeyeen lacag dhan 59,209,082,446 SL/Shilling oo u dhigan doolar ahaan $7,133,624.39 USD. Sidda daradeed 98% miisaniyadda la ma badalin 2% ayaa la badalay taas macnaheedu waa in dowladdu dariiq sax ku socto dhaqaale ahaa 98%.
Sidda awgeed qofka dowladda dhaliilaya ee ah xildhibaan wali muu fahmin shaqadii loo doortay. Haddii 100 milyan oo kaliya la galiyo beerah, biyaha iyo wax soo saarka xoolaha iyo kaluunka waxaa isbadeli lahayd nolosha umadda. Somaliland Biyo-Xidheenka Gabilay waxaa lagu dhisay lacag dhan 2 milyan oo doolar, muddo 7 bilood ah mugiisu wuxuu qaadayaa 6 milyan oo foosto, sida ku cadd warbixinta shirkadda dhistay. Hadda Su’aashu waa Somaliland muxuu uga dhiganyahay oo Sanadkan 2022 miisaniyadda qaranku ka badantahay 400 milyan.
Gabilay waxa ku yaala kastamka labaad ee ugu wayn Somaliland waan kastamka Kalabaydh wuxuu sanadka 2022 soo saarayaa lacag dhan 354,457,721,097 SL/shilling oo u dhigan doolar ahaan $43,226,551.35 USD. Kastamkan 21% ayuu ka yahay dakhliga Kastamadda Somaliland. Malahayga gabilay biyo-xidheenkan iyo 5 kaleba waa in loo dhiso. Dalkan si abaaraha looga badbaado waa in laga hirgaliyo biyo-xidheeno badan degmo iyo gobalba.
Isla-xisaabtanku ha guulaysto.
Qalinka: Mustafe Habane
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!