Safarka Qarniga ( Century's trip)!

0
Sunday March 06, 2022 - 09:51:47 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 750
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safarka Qarniga ( Century's trip)!

    By: Abdiladif M. Ismail

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

By: Abdiladif M. Ismail

Safarka uu Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi uu ku tagi doono dalka Maraykanka(USA) 9 March,2022 Insha alaah waa safar taariikhi ah waxaanan ku tilmaamayaa ama ugu magac darayaa Safarkii Qarniga( Century's trip) ee Madaxweyne Somaliland ahi uu ku tago dalka Maraykanka.



Sidoo kale, safarkaasi waxa aan saadaalinayaa in uu noqon doono Safarkii guusha aynu wada sugaynay 31 sano ee Somaliland jirtey hadaba, si safarkaa looga midho dhaliyo waxa aan ku talin lahaa sida tan:


1. Sideedaba xidhiidhada caalamiga ah( International relations) iyo siyaasada arimaha dibadu( foreing policy ) waxa ay ku dhisan yihiin dan Qaran( National Interest) markaa waa in mudnaanta koobaad noqotaa danta qarankeenu leeyahay oo ah Aqoonsi Caalami ah( De jure recognition ).


2. Heshiis kasta oo ay galaan laba dal waa in uu noqdaa mid dheeli tiran( balanced) oo ku salaysan faa'ido laba geesood ah( mutual interest/benefit) taasi oo ah wax isii ana aan wax ku siiyee( give and take) sidaa awgeed, waxaa muhiim ah in si diblomaasiyadeed oo kalsooni ku jirto uu noqdaa heshiis kastaa mid aynu kula gogortano dalka Maraykana oo iyaguna leh dan inaguna aynu leenahay dan.


3. Aniga oo ku kalsoon in Madaxweyne Muuse Biixi iyo kooxdiisa arimaha dibadu ay yihiin dad ka soo dhalaalin doona safarkaa waxaan sii xoojinayaa in Madaxweynaha ay safarkiisa ku weheliyaan koox aqoon u leh isla markaana xog ogaal u ah siyaasada arimaha dibada ee caalamka ahna koox farsamo( technical team) oo xirfada iyo khibradba u leh sida wax looga dhaadhiciyo dalalka caalamka isla markaana loola gorgortamo.


4. Safarka Madaxweyne Biixi ee dalka Maraykanku waa fursadii u horeysay ee nooceeda ah ee aynu helno 31 sano sidaa awgeed waa in tab iyo xeelad kasta u adeegsanaa sidii aynu uga midho dhalin lahayn fursadaasi si ay u soo afjarto Aqoosi la'aanta JSL ee 31 sano jirsatey!


5. Ugu dambayn waa in aynu noqonaa dal ay ka go'antahay in ay helaa waxaa ay rabaan si  looga helo waxa laga rabo.


6. Farsamo ahaan in khudbadaha uu jeedin doono Madaxweynaha JSL ay noqdaa kuwo qoraal ah oo la sii diyaariyey.


Safarkii Qaraniga!

Safarkii Guusha!

By: Abdiladif M. Ismail

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...