Dawlada Itoobiya Oo Gacanta Ku Dhigtay Horjoogihii Xabsiga Jeel Ogaadeen Iyo Dacwadaha Loo Haysto
Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay sarkaal horay uga tirsanaa maamulkii deegaanka Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka ahaa Cabdi Maxamuud Cumar.
Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay saal horay uga tirsanaa maamulkii deegaanka Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka ahaa Cabdi Maxamuud Cumar.Ninka la qabtay oo in muddo ah lagu raad joogay ayaa loo heystaa gaboob fallo dhacay intii ay jirtay xukuumaddii hore, waxaana la filayaa inuu wajaho maxkamadeyn.
Xasan Ismaaciil Ibraahim, oo loo yaqaanno Xasan dheere ayaa ahaa korneyl ka tirsan ciidanka Liyu Booliska, waxa uuna horay usoo qabtay xilal kala duwan oo sar sare.
Wuxuu horay u ahaa hoggaankii nabadgalyada ee dowlad deegaanka Soomaalida, wuxuuna ahaa guddoomiyihii dhinaca asluubta.
Markii ay dhacday dowladdii Cabdi Maxamuud Cumar, wuxuu ka mid ahaa saraakiishii baxsatay ee ka carartay Itoobiya.
Balse markii uu u gudbay dhinaca Soomaaliya, wuxuu ku hakaday deegaannada u dhow xadka Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo haddana laga soo qabtay magaalada Goldogob.
Xasan Dheere ayaa ka mid ahaa in ka badan 40 ruux oo xeer ilaaliyaha dalka Itoobiya uu amar ku bixiyay in lasoo xiro, si caddaaladda loo hor geeyo.
Waxaa ninkan lagu eedeynayaa inuu mas'uul ka yahay tacaddiyadii ugu badnaa ee ka dhacay dowlad deegaanka Soomaalida, gaar ahaan xabsiga caanka ku ahaa xad gudubyada ee loo yaqaanno Jeel Ogaadeen.
Wararka qaar ayaa sheegaya in qabashadiisa ay gacan ka geysteen dadka ku sugan deegaanka uu ku dhuumaaleysanayay.
Arrintan ayaa loo arkaa in ay gacan ka geysandoonto in cadaalad ay helaan dadkii dhibaatada ay ka soo gaartay Jeel Ogadeen.
Hay'adaha xuquuqda aadanaha u dooda ayaa sheegay in xabsigaas oo Jigjiga ku yaalla uu ahaa meel lagu ciqaabo dadka lagu eedeynayay in ay ka tirsanaayeen ONLF iyo in ay ka fikir duwanaayeen maamulkii hore. Hay'adaha ayaa tilmaamay in tacaddiyo ba'an ay ka dhaceen.