Madaxweynaha Puntland Oo Balanqaad Culus U Sameeyey Dhigiisa Deegaanka Soomaalida Itoobiya
Jigjiga(HWN):-Madaxweynaha deegaanka soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar ayaa ka hadlay kulan uu la qaatay madddaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdilaahi Deni oo ay Addis Ababa isku arkeen.
Madaxweyne Mustafe Cagjar iyo dhigiisa maamulka Puntland Siciid Deni ayaa kulan casho ah oo ay ku wada qaateen magaalada Addis Ababa waxay kaga wada hadleen qodobo muhiim ah oo khuseeya labadooda maamul ee Itoobiya iyo Soomaaliya ka kala tirsan.
Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa qoraal uu ku baahiyey bogiisa Facebook waxa uu kaga waramay kulanka uu la qaatay madaxweynaha Puntland iyo waxyaabihii ay kaga wada hadleen.
"Waxaan kulan wada qaadanay madaxweynaha dawlad goboleedka Puntland, Somalia, Mudane Said Abdilahi Dani! Kulankaas oo aan uga wada hadalnay, isku socodka labada dhinac sidii loo xaajin lahaa iyo sidoo kale iskaashiga dhaqaalaha kor loogu qaadi lahaa, waxaananu isla qaadanay madaxweynaha in laga shaqeeyo amniga labada dhinac, aadna loo sugo xuduudaha ay wadaagaan labada dal.
Sidoo kale wuxuu madaxweynuhu ballanqaaday in gacanta deegaanka la soo gelin doono cid kasta oo fal-dambiyeed ka soo gashay deegaanka una soo carartay Puntland.