Muuse Biixi Oo Go'aansaday Inuu Meel Mariyo Gudi Siwayn Ay Uga Soo Hoejeedaan Mucaaradku

0
Thursday March 03, 2022 - 17:54:53 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1917
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Go'aansaday Inuu Meel Mariyo Gudi Siwayn Ay Uga Soo Hoejeedaan Mucaaradku

    "Guddidan oo markii uu Madaxweyne Muuse Biixi magacaabay ay markiiba ka boodeen xisbiyada.."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Guddidan oo markii uu Madaxweyne Muuse Biixi magacaabay ay markiiba ka boodeen xisbiyada.."

Hargeysa,- (HWN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la yeeshay xubnaha guddida diiwaan gelinta Ururrada Siyaasadda Somaliland ee uu dhawaan magacaabay kuwaasi oo ahaa Komishanka ay xisbiyada Mucaaridka ahi markii uu magacaabay ganafka ku dhufteen.



Ma jiro weli war rasmi oo ka soo baxay Kulankan Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Guddidan diiwaan gelinta ku dhex maray Aqalka Madaxweynaha, hase yeeshee warar ka ag dhowaa kulankan, ayaa tibaaxay in si guud looga wada hadlay arrimaha doorashooyinka iyo diiwaan gelinta Ururrada siyaasadda oo xeer Nambar Afar iyo Toban uu sheegayo in diiwaan gelintooda la bilaabo bisha May oo ah lix bilood ka hor wakhtiga liisaanka xisbiyada qaranka ee markaa jiraa  dhacayo.


Ilo-wareedyo u dhuun daloola kulankan ayaa wargeyska Foore u xaqiijiyey in Madaxweyne Muuse Biixi guddidan u ballan qaaday in la ansixn doono dhawaan xisbiyaduna ku qanci doonaan ee ay si degdeg ah ugu diyaar garoobaan hawsha adage e sugaysa oo uu ku tilmaamay mid mihiimad gaar ah u leh qarankan wakhtigan. Guddidan oo markii uu Madaxweyne Muuse Biixi magacaabay ay markiiba ka boodeen xisbiyada qaranka ee Mucaaridka ahi kuan tilmaameen guddi dhinac ka raran oo xisbul xaakimka KULMIYE u jandjeedha sidoo kale wakhtiga lagu soo beegay dhismaheedu aanau ahayn wakhti munaasab ah maadaama sida ay ku doodayeen xisbiyadu doorashada madaxtootadu ka soo horrayso dhicitaanka liisanka xisbiyada qaranka ayaa haddana taa baddalkeeda Madaxwyene Muuse Biixi waxa mar walba ka go’an in uu meel mariyo guddidaasi.


Kulankan ayaa sidoo kale waxa uu ku soo beegmayaa sidii aan horeba halkan ugu soo baahinay wararkayagii hore kulamlo gooni gooni ah oo uu la leeyahay xisbiyada Mucaaridka ah iyo Komishanka doorashooyinka iyada oo aan illaa imika la ogayn waxa ay dhinacyadani isla meel dhigeen. Guddidan weli lama ansixin, waxaanu hore Madaxweynuhu Golaha Wakiillada u gudbiyey magacyadooda si ay u ansixiyaan, waxaana la filayaa marka ay fasax ka soo noqdaan Golahaas uu go'aan ka gaadhi doono

Loading...
Loading...