Khilaaf Ka Taagan Kursiga Xildhibaannimo Ee Uu U Tartamayo Wasiir Jamaal

0
Thursday March 03, 2022 - 17:51:08 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 867
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khilaaf Ka Taagan Kursiga Xildhibaannimo Ee Uu U Tartamayo Wasiir Jamaal

    "26-kii bsihii dhamaatay ayuu shir noogu yeeray, meel Ceel Daahir la yiraahdo"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"26-kii bsihii dhamaatay ayuu shir noogu yeeray, meel Ceel Daahir la yiraahdo"

Khilaaf xooggan ayaa ka taagan kursiga tirsigiisu yahay 169 ee deegaan doorashadiisu tahay magaalada Boosaaso, uuna doonayo inuu mar labaad ku guulaysto wasiirka qorsheynta ee Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan.

 

Odayaasha beesha leh kursiga ayaa isku khilaafay cidda ay tahay inay u tartanto kursiga, iyadoo suldaanka guud la sheegay inuu la rabo musharrax aan ahayn wasiir Jamaal.

 

Caaqil Saxardiid Cali Cumar oo kamid ah cuqaasho beesha leh kursiga 169 ayaa BBC u sheegay in suldaanka guud uu ka diiday soo jeedin ah in laga tashado doorashada kursigaas.

 

"26-kii bsihii dhamaatay ayuu shir noogu yeeray, meel Ceel Daahir la yiraahdo ayaan shir ku yeelanay. Waxaan ka wada hadalnay arrimaha doorashada, habraaceeda iyo sida loo maamulayo. Waxa uu noo diray in aan ka soo talino, isna uu guddoomiyo waxa aan ka soo talino," ayuu yiri caaqilka.

Waxa uu sheegay in cuqaasha ay intooda badan isku raaceen in kursiga la siiyo wasiir Jamaal Maxamed Xasan, balse uu taladaas markii dambe diiday suldaanka guud, Suldaan Maxamed Suldaan Cabdullahi Cartan.

Suldaanka oo aan isku daynay in aan kala hadalno eedeynta loo jeediyay ayay noo suurageli wayday in aan helno.

Wasiir Jamaal oo aysan isku wanaagsaneyn madaxweynaha Puntland, ayaa horay u sheegay in uu saluugsan yahay qaabka ay u socoto doorashada lagu wado in maalmaha soo socda ay ka dhacdo magaalada Boosaaso.

 

Maleeshiyo hubaysan

Qaar kamid ah dadka deegaanka Ceel Daahir oo qiyaastoo 90 KM u jira Boosaaso, kuna yaalla laamiga dheer ee magaaladaas ku xira Garowe, ayaa BBC u sheegay in maleeshiyo beeleed diiddan in kursiga 169 la dhaafiyo wasiir Jamaal ay xalay muddo kooban xireen jidkaas.

Dedaallo ay sameeyeen odayaasha dhaqanka deegaankaas ayaa markii dambe horseeday in raggaas hubaysan laga qaado jidka ay xirteen.

Doorashada Soomaaliya oo marar badan dib u dhacday ayaa lagu wadaa in la soo geba gabeeyo bartamaha bishan March, inkastoo weli ay taagan tahay arrinta Garbohaarey oo ah deegaan doorashada labaad ee Jubaland.

Maraykanka ayaa horay u shaaciyay inuu xayiraad dhanka socdaalka ah saaray madax ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu ku eedeeyay inay dowr ku leeyihiin dib u dhaca doorashada.

 

BBC


Loading...
Loading...