Ciidanka Sirdoonka Somaliland Oo Lagu Eedeeyay Inay Dad Shacab Ah Suuqyada Ka Afduubaan

0
Thursday March 03, 2022 - 09:44:21 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1354
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Sirdoonka Somaliland Oo Lagu Eedeeyay Inay Dad Shacab Ah Suuqyada Ka Afduubaan

    "Ciidanka Sirdoonka ee falalka lagu eedaynayo maaha kuwo ay shaqadooda tahay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ciidanka Sirdoonka ee falalka lagu eedaynayo maaha kuwo ay shaqadooda tahay"

Hargaysa (HWN)Xisbiga Waddani ayaa Ciidanka Sirdoonka Somaliland ku eedeeyay in dad shacab ah ay ka Afduubeen Suuqyada iyo Hotelada Hargaysa,isaasna waxa uu xisbiga ku sheegay warbixin uu baahiyay oo uqornayd sidan:-

 

 

XADHIGGA IYO TACADIYADDA CIIDAMADA SIRDOONKA:

 

Ciidammada Sirdoonka Qaranka waxay ku kacayen muddooyinkii u dambeeyey ficillo dhaawac ku ah Hay’addaas oo sumcad xumo weyn u soo jiiday. Tallaabooyin ay ciidamada Sirdoonku qaadeen muddooyinkii u dambeeyey oo isugu jiray dad lagu dhex garaaco Huteellada Hargeysa haddana xooga lagaga kaxaysanayo dadka muwaadiniinta ah, waa mid sawir xun ka bixinaysa Ciidamada iyo nidaamka dawladdeed ee Jamhuuriyadda Somaliland, waana tallaabo ku cusub waddanka oo u muuqata cago jugleyn, handadaad iyo car-juuq dheh.

 

Ciidanka Sirdoonka ee falalka lagu eedaynayo maaha kuwo ay shaqadooda tahay in ay dadka afduubaan, oo si jajuub ah uga kaxaystaan dadka Muwaadiniinta suuqyada, iyaga oo aan dembi faraha kula jirin, oo weliba qaab handadaad ah lagu kaxaysto, ka dibna la iska soo daayo. Ciidanka Sirdoonka sida uu xeerka ay ku aasaasan yihiin dhigayo xeer lambar 59/2012, meelna kagama taallo tallaabooyinkan iyo ficiladan ay qaadayaan Ciidankani, sida ku cad qoddobka 7aad ee waajibaadka iyo xilka ay qaranka u qaabilsan yihiin maaha kan ay ku dhaqmayaan, waa mid si cad u qeexan oo tilmaamaya in shaqadoodu tahay ururinta, xuuraamidda, lafo gurida iyo hufidda xogta ay hesho iyo weliba la socodka iyo dhaq dhaqaaqa Hay’addaha shisheeye iyo qodob kale oo la xidhiidha daba galka iyo ka caawinta Hay’addaha kale amniga.

 

Hay’addo kale oo amni ayuu qaranka u xil saaran xadhiga iyo baadhista wixii dembi ah ee muwaadinku galo, Hay’addaha Garsoorkuna iyaga awood u leh in ay xalaaleeyaan qofka eeddo loo haysto, balse in Hay’ad kale ay gacanta ku qaadato shaqo aanay lahayn, waa mid muujinaysa kala dambayn la’aan iyo Ciidamada oo aan isku ixtiraamayn shaqooyinka mid walba sharcigu siiyey. Arrintani waa mid aanu Xisbi ahaan walaac ka muujinayno oo dadka muwaadiniinta ahna welwel iyo cabsi ku abuurtay in hadh cad iyaga oo nolol maalmeedkooda iska wata laga afduub Huteelada Magaalooyinka.


Loading...
Loading...