Cumar Cabdirashiid oo ku eedeeyay dowlad Goboleedyada inay boobeen doorashada

0
Thursday March 03, 2022 - 09:18:44 in News by
  • Visits: 637
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cumar Cabdirashiid oo ku eedeeyay dowlad Goboleedyada inay boobeen doorashada

    Wuxuu sheegay in doorashooyinka ka socda dalka ay yihiin kuwo aan sax aheyn oo doorasho la dhihi karin, isaga oo sheegay in qof la soo xulaayo kadibna loo keenayo qof Malxiis u ah taasina ay tahay boob cad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wuxuu sheegay in doorashooyinka ka socda dalka ay yihiin kuwo aan sax aheyn oo doorasho la dhihi karin, isaga oo sheegay in qof la soo xulaayo kadibna loo keenayo qof Malxiis u ah taasina ay tahay boob cad.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Camar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa ka hadlay xaaladda dalka ee xilligaan iyo doorashooyinka Golaha Shacabka ee ka socda Soomaaliya.


Camar Cabdirashiid oo la hadlayay Barnaaminka Hanoolaato ayaa sheegay in Madaxda dowladda & Dowlad Goboleedyada ay muddo laba sano ah iska daba wareejinayeen doorashada socota oo ah mid boob ah.



 

Wuxuu sheegay in doorashooyinka ka socda dalka ay yihiin kuwo aan sax aheyn oo doorasho la dhihi karin, isaga oo sheegay in qof la soo xulaayo kadibna loo keenayo qof Malxiis u ah taasina ay tahay boob cad.



” Horta dadka doorashada kusoo baxay waa dad waqti badan dalka soo joogay oo xaaladsa la socda eedna kuma lahan in kursiga loo boobay ee kii u boobay ayaa loo heystaa, waxaa jira dad eedo kala duwan loo heysto oo Baarlamaanka kujira waase kooban yihiin ayuu yiri” Cumar Cabdirashiid.


Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Camar Cabdirashiid Cali Sharmaake wuxuu sheegay in Xildhibaannada soo baxay ay hagi doonto hadba tallaabooyinka ay qaadaan oo ay ugu horreeyso doorashada Guddoonka Baarlamaanka ayna ku fikirin inay abaal mariyaan dadkii soo saaray.



Hadalka Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Camar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa kusoo beegmaya xilli doorashooyinka Golaha Shacabka ee socda ay ka imaaneyso cabasho badan, isla markaana awooda koowaad ee doorashada leeyihiin Madaxda dowlad Goboleedyada.

Loading...
Loading...