Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland oo $71,000 oo Dollar Gaadhsiiyay Gobolka Saraar

0
Wednesday March 02, 2022 - 19:08:06 in News by A. Asbaro
  • Visits: 846
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland oo $71,000 oo Dollar Gaadhsiiyay Gobolka Saraar

    Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland oo $71,000 oo Dollar Gaadhsiiyay Gobolka Saraar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland oo $71,000 oo Dollar Gaadhsiiyay Gobolka Saraar


Hargeisa(HWN):-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, ahna guddoomiyaha guddiga heer qaran ee gurmadka abaaraha oo mudooyinkii u dambeeyay booqasho la xidhiidha Abaaraha u ku marayay gobolada bariga Somaliland, ayaa maanta gaadhay magaalada Caynaba ee gobolka Saraar.



Madaxweyne ku xigeenka, ayaa madaxda gobolka Saraar ku wareejiyey qaadhaankii ay xukuumaddu ugu talo gashay gurmadka xaaladda abaareed ee ka taagan gobolkaasi.

Saylici, ayaa guddoomiyaha gobolka Saraar, ahna guddoomiyaha guddida gurmadka abaaraha gobolka ku wareejiyey qaadhaan lacageed oo dhan $71000 (Kow iyo toddobaatan) kun oo dollar, kuna qiimaysan 300(Saddex boqol) oo Booyadood oo biyo ah.

Madaxweyne ku xigeenka, ayaa sidoo kale xadhigga ka jaray riigga cusub ee ay xukuumaddu ka hirgelisay duleedka Caynaba, kaas oo biyo macaan laga helay.

Loading...
Loading...