Saylici Oo Lacag Dhan $71000 Ku Wareejiyay Gobolka Saraar

0
Wednesday March 02, 2022 - 15:57:46 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 670
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saylici Oo Lacag Dhan $71000 Ku Wareejiyay Gobolka Saraar

    "Madaxweyne-ku-xigeenka, ayaa sidoo kale xadhigga ka jaray riigga cusub"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Madaxweyne-ku-xigeenka, ayaa sidoo kale xadhigga ka jaray riigga cusub"

Caynaba (HWN)-Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha guddiga gurmadka abaaraha heer qaran ee gurmadka abaaraha, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta madaxda gobolka Saraar ku wareejiyey qaadhaankii ay xukuumaddu ugu talo gashay gurmadka xaaladda abaareed ee ka taagan gobolka.

Madaxweyne-ku-xigeenka, ayaa guddoomiyaha gobolka Saraar, ahna guddoomiyaha guddida gurmadka abaaraha gobolka ku wareejiyey qaadhaan lacageed oo dhan $71000 (Kow iyo toddobaatan) kun oo dollar, kuna qiimaysan 300(Saddex boqol) oo Booyadood oo biyo ah.

 

Madaxweyne-ku-xigeenka, ayaa sidoo kale xadhigga ka jaray riigga cusub ee ay xukuumaddu ka hirgelisay duleedka Caynaba, kaas oo biyo macaan laga helay.


Loading...
Loading...