Derojo-xidhkii Kabtan Suhuur Fatxi Mukhtaar iyo Go'aankii Geesinimada lahaa ee Madaxweyne Muuse Biixi.

0
Wednesday March 02, 2022 - 15:51:08 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1975
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Derojo-xidhkii Kabtan Suhuur Fatxi Mukhtaar iyo Go'aankii Geesinimada lahaa ee Madaxweyne Muuse Biixi.

    Asalaamu Calaykum

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Asalaamu Calaykum

Halkan waxaa ka muuqata Geesiyad ka tirsan Ciidanka Ilaalada Xeebaha Jamhuuriyada Somaliland Dhamme Suhuur Fatxi Mukhtaar oo uu garbaheeda darajada Kabtanimo u sudhay Madaxweyne Muuse Biixi 31 kii bishii October 2020.



Sarkaaladan reer Somaliland oo  qabiilkeedu yahay Ogaadeen, run ahaana aan ka xumahay inaan halkan qabiil ku xuso balse ay ka fursan weyday, waxaa sarkaaladan soo waajahay caqabadaha la xidhiidha Xeerarka Jinsiyadaha ee aan wali sidii la rabay loo kala xadayn.


Hadaba Geesiyadan Suhuur waxa muddo badan ku qaadatay inay hesho derajada ay aqoonteeda iyo kartideeda ku heshay, iyada oo  ka mid ah saraakiisha hormuudka ka ah Ciidanka ilaalada Xeebaha.


Waxaa Allah Mahadii ahayd in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo la gaadhsiiyay arrinta Suhuur uu go'aansaday inuu hal mar isu raaciyo Saddex Xidigood oo is gaadhay oo ay aqoonteeda ku muttaysatay, arrinta Suhuur oo aan si dhow ula socday aad ayaan ugu farxay go'aankii geesinimada iyo gobonimimada lahaa ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku ogolaaday derajada Kabtan Suhuur.

Dhamme Suhuur imika waa Hoggaanka Tababarrada ee Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland, waana geesiyay uu Qaranka Somaliland ku faano oo hormuud u ah saraakiisha haweenka ah ee Ciidamada kala duwan ka tirsan.


Hadaba waxaa loo baahan yahay in la ogaado in aan qofna lagu takoorin qabiilkiisa, balse loo baahan yahay in Baarlamanka Somaliland uu si cad u iftiimiyo xeerarka Jinsiyada ee Somaliland oo caqabad weyn ku ah dadka la midka ah Suhuur.


Xaq iyo cadaalad iilama muuqato in  la yidhaa qofka  Gadabguursi, Fiqishini, Gabooye, Dhulbahante, Warsangeli iyo Isaaq ee ku dhasha Ruushka ama Maraykanku xaq ayuu u leeyahay Jinsiyada Somaliland, qofka Ogaadeen ama Hawiye ama Majeerteen ee Hargeysa ku dhashayna xaq uma laha dhalasho.


Waxaa loo baahan yahay in Baarlamankeenu  uu  dhakhso u saxo dhibaatada ka jirta xeerarka Jinsiyadaha ee Somaliland.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...