Khasaaraha Ka Dhashay Dab Qabsaday Meherado Ku Yaal Hargaysa

0
Wednesday March 02, 2022 - 12:52:46 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1121
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khasaaraha Ka Dhashay Dab Qabsaday Meherado Ku Yaal Hargaysa

    "Dabka Ayaa inta Badan Baabiiyey Hudheelka iyo Dukaano Ganacsi"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dabka Ayaa inta Badan Baabiiyey Hudheelka iyo Dukaano Ganacsi"

Hargaysa (HWN) Maanta Dab-waxyeelo Gaadhsiiyey Dukaano Ganacsi iyo Hudheel ku Yaaley Xaafadda Degmada  Kood-buur Ee Hargaysa

 

Dukaano yar yar oo Ganacsi iyo Hudheel Cunto oo ku yaala Meel Aan ka Fogayn Saldhiga  Ibraahim Koodbuur Ee Magaalada Hargaysa Ayaa khasaare Xumi kasoo Gaadhay Dab  Halkaa ka Kacay

 

Dabka Ayaa inta Badan Baabiiyey Hudheelka iyo Dukaano Ganacsi oo Hudheelka u Dhawaa Ciidamada Dabdamiska oo Goobta Soo Gaadhay Ayaa Xakameeyey Isla Markaana Bakhtiiyey Dabka

 

Sidoo kale Xildhibaan Maxamed Abiib (Siikaawi) oo ka Mida Golaha Deegaanka Hargaysa oo Goobta Dabku ka Kacay Soo Gaadhay ayaa Qayb Wayn ka Qaatay Bakhtiinta Dabka

 

Xildhibaanka ayaa ii sheegay In Dabka La Bakhtiiyey oo Lagu Guulaystay sidoo kalena uu Dabku Gaystay khasaare Hantiyeed. Hudheelka iyo Ganacsiga yar yar Ee Dabku Qabsaday Ayaa waxaa Lahaa Dad Danyar ah

 

Lama Xaqiijin Waxa Dabku ka Dhashay iyo khasaaraha Rasmiga ah Ee Dabku Gaystay Oo Waxaa Baadhaaya Ciidamada Dab-demiska Jsl


Loading...
Loading...