Mataano Iyo Jeegaan,Meesha Maa Ka Saartaan.
1-MUDNAANTEENA KOOWAD,MAALKA XOOGSI WEEYAAN,
MUDH SOO TIDHI QABIILKII,LAYSU SOO MALDIHI JIRAY,
MEELAAD SALAAXDUU,MADAXU UGU SAREEYAA,
MATAANO IYO JEEGAAN,MEESHA MAA KA SAARTAAN, .
2-MUJAAHIDIINTI WEYNAYD,KUWII UGU MUDNAN JIRAY,
MAR HADDAY SIDAA YIIIN,MURUGTAY XAJADEENIYE,
YAA MAALI JIRAY IYO,MUUSANOOWGI BEEN NOQOY,
MATAANO IYO JEEGAAN,MEESHA MAA KA SAARTAAN,
3-MULKINAYOO XORNIMADI,MARLABAAD SOO XARAYNAYE,
MAGAABINTEEDI MAANDEEQ,MANFACEEDI WELI MAQAN,
MAR HADDAANAN MURUGIYO,MADLUUN IYO CIIL QABIN.
MATAANO IYO JEEGAAN,MEESHA MAA KA SAARTAAN.
4-MAHADA EEBBE WEEYAAN,MARTI AADMI UMA NIHIN,
MIDIG BAAN KU AARSADAY,MEEYNAW DABAALDEGEY,
MALUUGTAAN ARKAAYANA,XIDDIGGEENI SOO MEERYE,
MATAANO IYO JEEGAAN,MEESHA MAA KA SAARTAAN.
5-MUDNAAN WEEYE SAMIRKUYE,MAHIIGANKAN HOORIYO,
MAYAYGAA ONKODAYAA,CITIRAAF KA MARAG FURAY,
MARSADA BERBERA IYO,MARINKAYNU NAALIYO,
MUFTAXEENU WAA DUBAY,IYO MAWLE AMARKIIS.
MATAANO IYO JEEGAAN,MEESHA MAA KA SAARTAAN,
ISMAI ABDILLAHI HANDULEH.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!