Wasiirka Waasaaradda Qorshaynta oo Daahfuray Shirka Wada Tashiga ee Gobollada Awdal iyo Selel

0
Wednesday March 02, 2022 - 08:08:21 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1142
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Waasaaradda Qorshaynta oo Daahfuray Shirka Wada Tashiga ee Gobollada Awdal iyo Selel

    Isu Duwaha Wasaarada Qorshaynta Ee Gobolka Awdal Iyo Agaasimaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isu Duwaha Wasaarada Qorshaynta Ee Gobolka Awdal Iyo Agaasimaha


Wasiirka Waasaaradda Qorshaynta Qaranka ayaa daahfuray shirka wada tashiga ee gobollada Awdal iyo Selel ee ururinta xogta mudnaanta ee horumarinta labadaasi gobol.


Waxaana Ka Qeyb Galay Shirkaas Gudoomiyeyaasha labadaasi Gobol ,Isu Duwayaasha Wasaraaradaha Dawlada, Maayirada Dagmooyinka , Ururada Bulshada iyo Masuuliyiin kale, Shirkan oo lagu Jaangoyanayo Diyaarinta Qorshaha Sedexaad ee Horimarinta Goboladaasi.



Isu Duwaha Wasaarada Qorshaynta Ee Gobolka Awdal Iyo Agaasimaha Waaxda Qorsheynta ayaa sheegay in shirkani qeyb ka yahay maamul daadajinta dagmooyinka.


Maayirada Dagmooyinka Saylac Iyo Baki Iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Degmada Boorame oo ka hadlay halkaasi ayaa soo dhaweeyay qabsoomida shirkaasi.


Gudoomiyeyaasha Gobolada Awdal Iyo Salal oo dhankooda halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in xog ururintani ay waxtar weyn u yeelanayso jaan goynta horumarinta labada gobol.


Gabagabdii Wasiirka Wasaarada Qorsheynta Qaranka Cumar Cali Cabdilaahi Badde ayaa sheegay in qorshani in uu kasoo bilaabmay seeska hoose kaas oo qeyb ka ah horumarinta gobolada iyo dagmooyinka dalka.

Loading...
Loading...