Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Qabtay Kulanka Dadweynaha
Hargeisa(HWN):-Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa

Hargeisa(HWN):-Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa maanta xarunta wasaaradda ku qabtay kulanka dadweynaha.

Kulankaasi oo uu wasiirku ku qaabiley dhammaan qofkasta oo doonaayay kulanka wasiirka. Isagoona wada qanciyay gebi ahaanba dadweynihii ka soo qayb galay kulankaasi, taasoo qof weliba hawl gaara ah u socday, ayna ugu dhammaatay sidii ugu wanaagsanayd.
Arrintan ayay ujeedadeedu tahay si dadweynaha iyo masuuliinta Wasaaradda Arimaha Gudahu ay isu helaan waqti ay ku soo gudbiyaan dadweynuhu cabashada ay qabaan iyo hawlaha shaqo ee gaarka u ah dadweynaha, waa nidaamka dowladnimo in ay is gaadhaan bulshada iyo masuuliinta Qaranku.
Kulankan dadweynaha waxaa wasiirka Arrimaha Gudaha kala qayb galay Wasiir Ku-xigeenka Maamulka Gobolada iyo dawladaha Hoose ee wasaaradda daakhiliga Naasir Caydiid Maxamed.
Wasiir Ku-xigeenka Amniga Cabdilaahi Xuseen Maxamed, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Cabdirashiid Xirsi Cali iyo Agaasimayaasha Waaxyaha ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.
Kulan ayaa noqon doona mid wiigaba mar la qabto, si dadweynuhu fursad ugu helaan masuuliinta Wasaaradda Arimaha Gudaha, Iyadoo ay markasta ka go’antahay Wasiir Wasaaradda Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, in uu si hufan ugu adeego bulshada iyo in uu dhegaysta qofkasta.
Sidaasina waxaa lagu sheegay war qoraal ah oo uu baahiyay xafiiska Warbaahinta ee wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.
Loading...
Loading...