Wasiir Ka Hadlay Dhacdooyin Uu Kala kulmay Gaadiidka Dadweynaha Oo Uu Raacay

0
Tuesday March 01, 2022 - 17:54:08 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2638
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Ka Hadlay Dhacdooyin Uu Kala kulmay Gaadiidka Dadweynaha Oo Uu Raacay

    Wasiir Ka Hadlay Dhacdooyin Uu Kala kulmay Gaadiidka Dadweynaha Oo Uu Raacay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Ka Hadlay Dhacdooyin Uu Kala kulmay Gaadiidka Dadweynaha Oo Uu Raacay


Hargeisa(HWN):-Wasiirka Gaadiidka iyo Dhacdooyinka uu kala kulmay gaadiidka shacabka oo uu raacayay maalmihii ugu danbeeyay.
May be an image of 4 people and road

May be an image of 3 people and people sitting

Wasiirka gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed (Ataash) ayaa dadweynaha ku dhaqan caasimada hargeysa la raacay gaadiidka basaska ee ay adeegsadaan Shacabka, halkaasi oo uu doonayay inuu ugu Kuurgalo Xaalada Sixir Bararka, Qiimaha lagu raaco Basaska iyo Nolosha Caadiga ah ee Bulshada.
May be an image of 4 people and people sitting

Maalmihii ugu danbeeyay waxa uu soo maray meelo kala oo ka mid suuqyada caasimada, waxaana uu xaafadaha kala duwan ee magaalada u raacay basas balse saaka ayaa lagu dhex arkay baska u baxa Xaafada Jigjiga yar wakhtigaasi oo uu baskii uu saarnaa ay isku dhaceen gaadhi kale agagaarka beerta xoriyada ee magaalada Hargeysa, halkaasi oo lagu ogaaday inuu yahay wasiirka gaadiidka iyo horumarinta jidadka ee Somaliland.
May be an image of 2 people and people standing
May be an image of 2 people, people sitting and indoor
May be an image of 1 person, standing and outdoors

"Waxaan u kala baxay Xaafadaha Hargeysa, tanina waa tii Shanaad (jigjiga), ujeedkayguna waxa uu ahaa inaan soo eego xaalada shacabka Hargeysa iyo ta Gaadiidka Dadweynuhu raacaanba. Alxamdulilaah wax wanaagsan ayaan soo arkay, dad is jecel oo is ixtiraamaaya.

Intii aan Hawshan ku jiray laba Shil ayaanu galnay oo gaadhigii aanu saarnayn ayay isku dhaceen gaadhi kale, mar kale laba dumar ah oo bas nala saarnaa ayaaba isdiley oo xalkoodii iyo maslaxadoodii aan galay si basku si nabad ah noola socdo”.Ayuu yidhi wasiirka gaadiidka iyo horumarinta jidadka oo aan Khadka Telefoonka kula xidhiidhay.

Loading...
Loading...