Bakhtiga Ma Cunee Fuud-kiisa Baanu Cabnaa ( Abdi-Shotaly).

0
Monday May 27, 2019 - 16:18:24 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1624
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bakhtiga Ma Cunee Fuud-kiisa Baanu Cabnaa ( Abdi-Shotaly).

    Geenyo shaaximan iyo Faysal Zaad, Jano-ka bood, Ina cabdi dheere, waxa saaka haysta,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Geenyo shaaximan iyo Faysal Zaad, Jano-ka bood, Ina cabdi dheere, waxa saaka haysta,
heestii ku jirtay, Galbeed waa la xoreeyey, ee waarsaa gaagixisay ee Xasan Ganay, taa oo ereya-deedda ay ka mid ahaayeen "Alahayaw banaan-kaba, bohol kama malaysa-nine, I-bixyaw I-bixi, iga bixi Allahayaw Caashaqu bad weeyee" horaa-se loogu maah-maahay oo la yidhi " Geelaw soco-soco oo markaad ciin daaqdo baa laguu yaabaaye" ee saaka bay qusul laba iyo toban baac ah, ayhoos ugu dhaceen, Geenyo shaaximan, Jano-ka-bood ( Waa samaale'e), iyo Af-hayeenka cusub ee Xaafad-tooyadda ka shurbeeya ( Guriggii Moorgan), intay is lahaayeen beerka dhiga, oo dhuumaalaysi wax kaga soo saxeedda Nayroobi, oo yaan lagu arkine habeenkii gudda, bay iyakii is kashifeen oo kamarad Alle ku dhacday, Jana-ka-bood oo daba fadhiyey askariga Geenyo Shaaximan, baa sii jeed ku sawiray iyaka oo aan si ogayn, iyaba waa midh subxaana-laahiyahe, oo waa munaafiqiin mid-ba mid cidhib-tiisa goynaayo'e, iyakii baa yaabay, oo yidhi waar xagee la inaga sawiray. dabeed isla miridho guda-hood, waa kuwa mar qudha ka soo booday war-baahinta, iyaka oo aan filanayn, isna lahayn cid baa idin arkaysay ama ogayd, ilayn cid kale lama ay soconine. xaalku wuxu noqday Heestii Kinsi .X. Aadan (IHUN) ee ahayd " Fartaydda Yaa Subaga Daray", oo ujeedadu tahay, ilayn isma oga'e, waar xagee baa la inaga khaawisay?Somalidda bay waxay tidhaahaa, Dacawo jiir u dhukusaysa, baa iyadda oo isla maraad la', oo jiirkiii is leh mar keliya ku bood, oo dhabarka kaga habso, baa iyaddii libaax u gabanaayey, markay is tidhi ku bood jiirka, uu libaaxii iyaddii dhabraka laba ka kala dhigay. kadib-na waxay noqotay quud aan jirin qoryo u guro. waxan uga socdaa, wax doonta bay is yidhaaheen, Kulmiye iyo Af-heen-kooddii Cusbaa ee Xaafad-tooyadu, laakiin waxay ku dambeeyeen, "dhurwaaggii kudmo doontay, ee isaggii la soo kuday".



Waa wax rabbi basarkii ka gaxeeyey iyo xishood-kiiye, oo aan khajilayn, damiir lahayn, oo been iyo xaaraan mooyee aan si kale u ceeshine, munaafaqad iyo beel la colaw uun ay farsamo ka noqotaye, wax kale oo haba-yaraatee, loo daba fadhiis-taana aanay jirin aduunka intaas le'eg, Bal waxay ina leeyihiin" Bakhtiga ma cunee fuud-kiisa baanu cabnaa" Taas oo micna-heedu yahay, Somalia ma rabno, oo xidhiidh lama lihin, Waddani baa hoosta kala socdda, hadana waxay la shirayaan Xusbiya-doodda, iyo mar ay kuwa madaxdda sheegtaa ay hoosta wax uga soo saxeexaan, waxa la yidhi Mayd yaa u dambeeyey, iyo kaa la sii sido'e, Maan-tana weli miyey dafirayaan, oo ay af-koodda soo marin doonaan, waxooddii xilka lahaa, ee ahaa xidhiidh ma lihin Maamulka Mareexaanka iyo Murursadaha ee Xamar Ka dhisan. Iyaba waa yaabe, bal waxan idin waydiiyey, oo aan akhristaw jawaab-teedda kaa rabaa" Askariga la yidhaaho Geenyo Shaaximan, baa su'aal ay weydiiyeen War-bahaintu, waxa ka horor-saday Af-hayeenka Cusub ee Xaafad-tooyadda waa Faysal Zaade, isaga oo is leh difaac ilayn cad-quudheedkii baa shaqay-naayee, oo waxa loo abaan-saday oo keli ah, In uu u jawaabo reer-kiisa iyo caydda C/Cirro'e, ku lahaa isagu ( waa geenyo Shaaximane) shaah buu cabaayeye, ee anigaa la kulmay ee na dhegeyso.


Waxa taagan heestii Sahra Ahmed Jama ( IHUN) ee Ciise dhan-cade (IHUN), ee ahayd, Bad baan galay iyo baaxad-sooroo, wanigaa is boobee, beerka jecliyaa, xaydha jecliyaa" Igu baah-day taladuye, bilis xaawaleyeey, xagee baan u baydhaa?" waa ku jiq Xaafadland, Waxa la yaab ah iyo u qaadan waa, dadnimo iyo garasho daayoo aanay xataa xaywaanku ku kicin, wax lagu qoslo ah, Geenyo Shaaximan, oo wax uu ku hadlo garan waayey, madoobaaday, oo ay ka dhabaqday, in yar ku sigtay in uu gacanta ula tago, Weriyihii su'aasha waydiiyey, oo dhiigu ku karay, wax uu sameeyo garan la', oo tallo faraha ka raacday, af-kala qaad iyo naxdin awgeed in ay calooshu socoto ku dhawaaday, baa mar labaad su'aal kale lagula soo noqday, halkii uu ka jawaabi lahaa, buu isaga oo tii hore weli la wareersan, dhididka iska duugaaya ( Bal u fiirsadda weji-giisa) oo maskax fered ku dhacay, ilayn aqoon waa ka bes oo hor ilaaahy buu ka taagan yahaye, wuxu ugu jawaabay weriyihii " Waxaad Halkan Ka Qodaysid ka heli maysid" ilayn wuxu ka dabin dhawrayaa, in la yidhaaho " markee baad sax tihiin ama khalad?" Markaa hoosta kala soo xidhiidhay-saan Somaliya iyo marka aad dafiray-saan, ee aad ku sheegay-saan Waddani" ilayn si cad oo abdheedh ah baa la idiinku hayaaye, idinka oo la shiraayee. Su'aashu waxa weeye " Maxay hadda dadka u sheegayaan ee la soo hor fadhiisan doonaan, ilayn waa kuwan is kashifay, ee Jano-ka-bood sawiraka hoos ahaan uga qaadaye, intuu uu sii jeed la daba fadhiistay. Waxan ugu dambayn ku soo af-gooyey maqaalkan " Dameero kir marka la yidhahao, bay wadda dhega taagaane" Haday seeftii alle ku dhacday Askartii iyo daba-dhilif-yaddii qanjidh-sarceedka loo tuuri jiray.

*N.B Ruugaggii Jabe, Isku Ribatoo, Way rakaadee, Ayaw Kala Rari, Reerkan raran Galay.

Qore:- Abdi-Shotaly.

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...