Maamulka Togdheer Oo Lagu Wareejiyay Caawimo Loogu Gurmanayo Dadka Abaaraysan
Maamulka Togdheer Oo Lagu Wareejiyay Caawimo Loogu Gurmanayo Dadka Abaaraysan

Hargeisa(HWN):-Madaxweyne-ku-xigeenka jamhuuriyadda Somaliland ahna guddoomiyaha guddida Gurmadka abaaraha heer qaran ayaa maanta maamulka gobolka Togdheer ku wareejiyey deeq dhan 536 Lowdh oo biyo ah, taas oo loogu talo galay dadka abaaruhu saameeyeen eek u dhaqan gobolka Togheer.

Iyadoo Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici) iyo wefti uu hoggaaminayo ay maalintii labaad safar shaqo ku marayaan gobollada bariga dalka, isla markaana ay maanta gaadheen gobolka Togdheer.
Madaxweyne-ku-xigeenka, oo shir ballaadhan la qaatay guddida gurmadka abaaraha ee gobolka Togdheer, ayaa warbixin la xidhiidha heerka abaarta iyo tallaabooyinka xukuumaddu qaadday ka dhegaystay maamulka gobolka.
Waxaannu isla goobtaas ku wareejiyey deeq xukuumaddu ugu talo gashay inay kaga qaybqaadato gurmadka abaarta, taas oo gobolka Togdheer qaybtiisa maanta isla madashaas loogu wareejiyey.
Loading...
Loading...