"Ruushku shiidaalkii wuu xidhay waayo? Isagaba baanankii ayaa laga xidhay"…

0
Tuesday March 01, 2022 - 16:16:10 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1437
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Ruushku shiidaalkii wuu xidhay waayo? Isagaba baanankii ayaa laga xidhay"…

    "Ruushku shiidaalkii wuu xidhay waayo? Isagaba baanankii ayaa laga xidhay"…

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ruushku shiidaalkii wuu xidhay waayo? Isagaba baanankii ayaa laga xidhay"…


Hargaysa(HWN):-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlay saamaynta uu adduunka ku yeeshay dagaalka uu Ruushku qaaday dalka Ukreyn.


Waxaanu sheegay in dagaalkaasi uu saamayn dhaqaale oo aad u weyn ku yeeshay nolosha bulshooyinka dalal badan, Maaddaama oo dalka Ruushku uu yahay dalka labaad ee dhoofiya shiidaalka ugu badan wadamadda caalamka.


Madaxweyne Biixi, waxa uu xusay in dhibaatadda dhaqaale xumo ee ka dhalatay dagaalka Ruushku ku hayo Ukrayn, inuu keenay in dalalkii waaweynaa ay joojiyeen waxyaabihii ay dhoofin jireen.

"Maanta adduunka waxa ka dhacaya waynu og nahay. Dagaal baa ka dhacay adduunkoo dhan saameeyay. Dawladihii waaweynaa way kala urursadeen, in ay ciidamo isku diyaarsadeena waad og tihiin.

Dawladihii dhaqaalaha lahaa adduunka ee loo bartay, ee adduunka maamuli jiray, dawlad waliba waxeedii way oodatay. Nin walowba maxaad tabcatay ayaa soo socota?. Rag waaweyn oo siyaasiyiin ah baa yidhaahda dawladu taa wax haka qabato. Tacab baynu u baahan nahay. Shidaalkii waa iib, oo waa la kala xidhay. Ruushku shiidaalka ugu badan isagaa iibiya. Wuuna xidhay. Waayo? Isagaba baanankii adduunka ayaa laga xidhay. Wuxuu hayo wuu xidhanayaa. Waana dalka labaad ee shidaalka ugu badan iibiya”.

Madaxweyne Biixi, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay munaasibadii uu maanta xadhiga kaga jarayay Biriijka Dacar-budhuq ee bariga magaaladda Hargaysa.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi "Caalamka maanta dagaal baa ka socda, goor uu dhamaana ma ogin. Badd xidhan ayaana ka soo socda. Tallo ayaynu u baahan nahay. Dhibaatooyinka imika ina haysta waxaa ka mid ah shiidaalka. Imika wax baan ka bedelnay shuruucdii hore ee soo dejinta shiidaalka. Waa in aynu helno kayd shiidaal. Ganacstaddana waxaan ka codsanaynaa in ay waxa ay hayaan ay keenaan.

Markabkii u horeeyay wuu joogaa, oo Dahabshiil baa leh, waanan soo daynaynaa. Kuwa kalena waan soo daynaynaa, intaa abaarta lagu jiro. Iyagana ganacsatadda waxaan ka rabaa in ay shiidaalka jebiyaan. Maadaama iyagaba wax badan loo fududaynayo dekadda”.

Geesta kale madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa digniin u diray ganacsatadda reer Somaliland ee xiliyadda ay abaaraha oyo sicir-bararku dhacaan raashinka xeraysta, kadibna qiimo sare ku iibiya.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in tallaabo laga qaadi doono ganacsatadda falalka noocaas ah ku kaca. "Waxaa jira ragg ka mid ah ganacsatadda oo ka faa’iidda markay dadku dhibaataysan yihiin, oo intuu alaabta xeraysto dadka ku qaaliyeeya, taasi waa Ixtikaar. Diintana waa ka mamnuuc, dadnimadana waa ka mamnuuc. Haayadaha ku shaqadda leh, ee uu boolisku ka midka yahay, waa in tallaabo laga qaado ganacsatadda sidaa ku kacda.

Waana in loo fiirsado ninka dadka ka xidhanaya alaabta, ee u kaydsanaya marka ay baahdaan aad ku qaaliyaysid” ayuu yidhi Muuse Biixi.

Loading...
Loading...