DEG DEG Guddoomiye ku xigeenkii Guddiga doorashooyinka Heer Puntland oo is casilay

0
Tuesday March 01, 2022 - 12:20:23 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 913
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG Guddoomiye ku xigeenkii Guddiga doorashooyinka Heer Puntland oo is casilay

    Maamulka Doorashooyinka Heer Dowlad-goboleed ee SEIT-Puntland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Doorashooyinka Heer Dowlad-goboleed ee SEIT-Puntland

Waxaa ku dhawaaqay in uu is casilay Guddoomiye kuxigeenkii Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Puntland Caynaanshe Yusuf Xuseen, sidoo kalena uu ka tegay Xubinnimadii Guddiga.


Qoraal uu ogeeysiiyay Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynaha Puntland, Guddiyada doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer dowlad goboleed ayuu ku sheegay in si Shaqsi ah uu isaga casilay xilka ugana baxay Guddiga.

 

” Aniga oo ah Caynaanshe Yuusuf Xuseen,kana tirsanaa Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Dowlad-goboleed ee Puntland, waxaan halkaan ku caddaynayaa in aan arimo shakhsi ah oo ii gaar ah dartood isaga casilay xilkii xubinnimo ee ka mid ahaanshaha guddiga. Waxaan kale oo aan caddaynayaa in aan sidoo kale iska casilay xilkii ku xigeenka Guddiga



Maamulka Doorashooyinka Heer Dowlad-goboleed ee SEIT-Puntland ayuu yiri” Ceynaanshe.

Sidoo kale wuxuu u mahadceliyay Guddiyada kala duwan ee heer Federaal iyo heer Maamul goboleed oo ay soo wada shaqeeyeen mudadii sanadka iyo dheeraadka aheyd ee uu ka tirsanaa guddiga, wuxuuna u rajeeyay guddlyada in ay halkaas ka sii wadaan shaqada muhiimka ah oo ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed u hayaan.


Marka laga soo tago in Ceynaanshe Yuusuf Xuseen uu sheegay in si Shaqsi ah uu xilkii Guddoomiye kuxigeenkii Guddiga doorashooyinka Puntland uu isaga casilay ayaa hadana xogta ay Risaala heshay ayaa sheegeysa in uu doonayo in uu u tartamo kursiga Xildhibaan ee Hop#220 kaas oo uu hadda ku fadhiyo Cabdirashiid Maxamuud Xasan.

Loading...
Loading...