"Maanta Waxa Dhacday Gunnimo Aan Qofna Dufaaci Karin"
Hargaysa (HWN) Xoghayaha Arrimaha Bulshada ee xisbiga WADDANI Maxamed Sidiiq Dhamme ayaa ceeb iyo foolxumo ku tilmaamay hadal ka soo yeedhay xildhibaan xeeldheere oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland
Waxaanu xoghayuhu ugu baaqay Xildhibaanku inuu raaligelin ka bixiyo hadalo uu ku aflagaadeeyay Xildhibaan Maxamed Abiib iyo reerkiisa.
Xoghaye dhame ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu baahiyay oo udhignaa sidan:-
"Soddonkaa sannadood ee Somaliland jirto lama arag Xildhibaan qaran oo sida Xeeldheere u hadlay Maanta u ceeboobay, foolxumada u weyni waa in Xildhibaan Maxamed Abiib , Xildhibaanka hadlay ku gefay Qoyskiisa, Hooyadii, Abtiyaashii, Xaaskiisa, Ehelkiisa iyo Shakhsiyadiisa, maanta waxa dhacday gunnimo aan qofna dufaaci karin,
waxaan usoo jeedinayaa Xildhibaan Mubaarak Xeeldheere qadafka in uu raali gelin ka bixiyo. Xildhibaanada Muxaafidka ah Shacab ayaa doortay ee Xukuumaddu may dooran, waa in ay metelaan Shacabka ee aanay metelin Xukuumadda Xisbiga KULMIYE!!!" Maxamed Sadiiq Dhamme.