Xildhibaan Xeel Dheere Oo Loo Soo Jeediyay In Uu Raaligelin Bixiyo

0
Monday February 28, 2022 - 20:14:19 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1301
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Xeel Dheere Oo Loo Soo Jeediyay In Uu Raaligelin Bixiyo

    Asalaamu Calaykum

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Asalaamu Calaykum

Waar kan Xildhibaanka lagu sheegayo ee Berbera muwaadinka kale ka sheeganayaa muxuu ahaa ?

Kolay waa Fulay yar oo ka mid ahaa kuwii Dulcad ama Darroor Daqiiqda Islaamaha la qaadan jiray markii aanu Berbera ku dagaalamaynay ee aanu Cabdicasiis Cali Barre Xabada kaga saarnay ee dhiigayagu ku daatay.



Fulayadaas Qaxootiga joogay inuu ka mid ahaa waxaa caddayn u ah, geesiyaashu cidna meel kama sheegtaan, Muwaadiniinta reer Somalilandna waa isugu mid.


Weli miyaad aragteen Geesiga Mujaahid Ibraahim Dhegoweyne oo leh Berbera anagaa leh? Weligii afkiisa lagama maqal isaga oo Berbera cid ugu faanaya ama ka sheeganaya.


Haddii aad aragto qof deegaan ama magaalo cid ka sheegta waa Qof aan dhamayn oo fule ah, oo maanta haddii ay Xabadi dhacdo dhuumamaya, marka nabada iyo nimcada lagu jirana laabta garaaca oo fidnada iyo qabyaalada iyo kala qoqobka ummada ka shaqeeya.


Xildhibaan Abiib waanu ka raali gelinaynaa afxumadaa uga timi inankaas yar ee ku gefay guud ahaan Ummada reer Somaliland.


Dalka reer Somaliland waxa uu ka dhexeeyaa Ummada reer Somaliland oo dhan, lamana kala sheegan karo. Xildhibaan Xeel-dheerana waxaa ku waajib ah inuu Raali gelin degdeg ah siiyo Xildhibaanka uu ku gefay.


W/Q: Kaysar Maxamed


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...