Biriijka Dacarbudhuq

0
Monday February 28, 2022 - 20:10:52 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1089
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Biriijka Dacarbudhuq

    Adigu yaad ka xusuusataa dadkii uu dooxani qaaday ee ku dhintay?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Adigu yaad ka xusuusataa dadkii uu dooxani qaaday ee ku dhintay?

Ilaahaybaa mahad leh, waa maalin taariikhi ah. Maanta wuxuu madaxweynaha qaranka JSL mudane Muuse Biixi Cabdi xadhiga ka jaray dhismaha Biriijka Dooxa Dacarbudhuq. Dhibkii iyo dhibaatadii dooxan maanta ayaa inoogu danbaysa insha Allaah.



Wakhtiyadii hore Dooxani marka uu socdo, Waxaa istaagi jiray oo kala xidhmi jiray isusocodka gaadiidka. Si gaar ah dadka xanuunsanaya ayaa dhib la kulmi jiray. Caruur badan ayaa Agoon ama Rajo ku noqday, Hooyooyin xaamilo ah ayaa ku foolan jiray marka daadku xidho, halka qaar ay umul raaci jireen.


Guud ahaan Dooxani wuxuu inaga galaaftay nafaha boqolaal qof oo reer Somaliland ah, wuxuu kaloo qaaday boqolaal Gaadhi iyo Hanti malaayiin doolar ah.


Dadka caanka ahaa ee uu dooxani qaaday waxaa ka mid ahaa:


1. Suldaan Barre Warsame Shire

2. Mujaahid

3. Muuse Fanax - Agaasimahii Dhulka ee D/hoose Berbera

4. Yaasiin Bulshaawi oo ka tirsanaa Madaxda Haamaha Shidaalka Berbera

5. Qoys geeri tuulada Xamaas kaga qayb galay oo markay so noqdeen dhamaantoodba uu daadku qaafay.


Adigu yaad ka xusuusataa dadkii uu dooxani qaaday ee ku dhintay?

#Hurumarka_Xukuumadda_JSL

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...