Tirada Carruurta Ku Jirta Xabsiyada Somaliland?
Xoghayaha Arrimaha Bulshada ee xisbiga WADDANI Maxamed Sidiiq Dhamme ayaa sheegay in tirada caruurta xabsiyada Somaliland ku jiraa ay dhantahay laba boqol iyo sagaal iyo konton (259) qof.
Xoghaye dhame ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu baahiyay oo udhignaa sidan:-
"Carruurta Xabsiyada Somaliland ku jirtay tiradoodu waa (259) Carruurta ugu badan ee Maxabiis ahi waxay ku jiraan Jeelka Hargaysa waxaana ku xidhan (93) xagga tirada waxa ku xiga Xabsiga Burco waxa isna ku jira(87) Xabsiyada Somaliland malaha adeeg u gaara Carruurta, Carruur badan oo aan qaan gaadhin(under age) waxay lala xidhaa denbiilayaal waaweyn, gacan ku dhiigalayaal, kufsi, tuugo, budhcad. Xabsiyada Carruurtu waa xarun edbin iyo dhaqan celin, Somaliland sannad kasta waxa ka soo baxa Xabsiyada Carruur Jeelka kusoo dhaqan doorsoomay oo denbiyo halisa gala, Jeelkii Carruurta waa in la furaa. Xadhiga Carruurta lama waafajin Xeer LR/36/2007.”