Dowlada Kenya oo walaac ka muujisay heshiiskii shidaal baarista Soomaaliya.

0
Monday February 28, 2022 - 13:01:36 in News by
  • Visits: 1160
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowlada Kenya oo walaac ka muujisay heshiiskii shidaal baarista Soomaaliya.

    Muran badeedkii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya ayaa Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ ay go'aan ka gaartay Bishii Oktoobar ee sanadkii 2021

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muran badeedkii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya ayaa Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ ay go'aan ka gaartay Bishii Oktoobar ee sanadkii 2021

enya ayaa markii ugu horreeysay waxaa ay ka hadashay heshiiskii Shidaal baarista Soomaaliya ee dhawaan uu sheegay Wasiirka Batroolka Cabdirashiid Maxamed Axmed in uu la saxiixday Shirkad laga leeyahay dalka Mareykanaka, kaas oo Madaxweynaha & Ra’iisul Wasaaraha ay qaadaceen.


Kenya waxaa ay sheegtay inay ka walaacsan tahay in Soomaaliya ay qandaraasyo shidaal ka bixiso aagga lagu muransan yahay, isla markaana heshiiskaas uu sii kordhinayo muranka soohdinta badda ee labada dal u dhaxeeyay.



Diplumaasi diiday in Magaciisa la xigto ayaa sheegay in Kenya ay isha ku heeyso waxa ka socda Magaalada Muqdisho, sidoo kalena ay yihiin arrimo quseeyo dhankooda korna ay kala soconayaan.


Muran badeedkii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya ayaa Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ ay go’aan ka gaartay Bishii Oktoobar ee sanadkii 2021, iyada oo Soomaaliya u xukuntay dhul baddeedkii lagu muransanaa, balse Kenya aysan ku qancin xukunkaas.

 

Loading...
Loading...