Maxaa Naga Galay Dagaalka Ruush Iyo Yukreeyn

0
Monday February 28, 2022 - 09:08:50 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1106
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Naga Galay Dagaalka Ruush Iyo Yukreeyn

    Hadii uu geelii kuu dhalay aniga wayga gudhanyee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hadii uu geelii kuu dhalay aniga wayga gudhanyee

Wax kasta oo Yurub ka dhacaa waa kii aduunka!!! ”Dagaalkii 1aad ama kii 2aad ee aduunka” kulahaa. Waar maaha kii aduunka ee waa kii Yurub aduunkii ma Yurub iyo Gelbeed buu noqday!?

 

Waxay ku leeyihiin Yurub oo dhan dagaal waxa ugu dambaysay dagaalkii 2aad ee aduunka, haddana waxa laga baqayaa in kii sadexaad bilaamo. Oo ma wixii Yurub ka dhaca ayaa wax aduun ah?

 

Hadii uu geelii kuu dhalay aniga wayga gudhanyee

 

Haddii dagaal ay ”dagaalkii 2aad” kuugu dambaysay waad nasatee ma og tahay in Afriki intaa gubanaysayadna daawanaysay.

 

Aduguba dharaaraad ka qoslaysay dhooshee amba dhamay qadhaadhkee waa in aad dhadhamisaa.

 

Reer Yurub waa kuwii gumeystay Afrika baadana ka qaadan jiray ay ”cashuur” ula baxeen dhulkoodiina u jarjaray siday yagu dooneen,   Ruushna waa kii Itoobiya uga hiiliyay   Soomalida.

 

 

Qaar baa loogu sheekeyay waxa laga baqayaa dagaalkii sadexaad ee aduunka Waar waakii 3aad ee Yurub adiga kaaga cidi ma tirisoba kuumana kala qalalo dagaal. Haddiiba uu dagaal aduun dhacana maxaa kaa gubanaya?? awalba waad gaajooneysee. 

 

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...