Garyaqaan Sheegay In Xukuumada Somaliland Qaab Eex Ah Umagacawdo Wakiiladeeda Dibada
Hargaysa (HWN) Garyaqaan Guled Dafac ayaa sheegay in aan aqoontooda lagu magacaabin wakiilada Somaliland ufadhiya dalalka Dibada.
Taasi badelkeedana ay xukuumadu ku magacawdo hab eex ah, garyaqaanka ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu baahiyay oo qornaa sidan:-
"Xukuumadda Somaliland wakiiladda debedda aqoon iyo khibrad kuma magacaabin ee eex ayay dad suuqa iska tuban ku magacawdaa. Marka la waydiiyo halbeegga ay isticmaaleen na indhaha ayay taagayaan. Somalia (ka hor 1969) saw laguma haysan awood dhinac ka raran, Somaliland maanta waa miisaan dhinac u go’ay.
Siyaad Barre buug dhan baynu ka qornay awoodda sida uu u qaybin jiray, maanta in su’aashaas la is waydiiyo maaha in laga gubto.”
Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xili xukuumada Somaliland iskugu yeedhay wakiiladeeda ufadhiyay dalalka Dibada, isagoo shalayna uu Muuse Biixi la qaatay Kulan.