Maxuu Farmaajo kala hadlay madaxdii ka socotay Midowga Afrika? SAWIRO

0
Monday February 28, 2022 - 08:41:03 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1111
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxuu Farmaajo kala hadlay madaxdii ka socotay Midowga Afrika? SAWIRO

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Guddoomiyaha ayaa ka wada hadlay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Guddoomiyaha ayaa ka wada hadlay


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Africa Danjire Bankole Adeoye.


Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Guddoomiyaha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo wadashaqaynta Soomaaliya iyo Midowga Afrika, dagaalka ka dhanka ah argagixisada, mustaqbalka waajibaadka shaqo ee hawl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo guud ahaan xaaladaha amni iyo horumar ee Gobolka.

Gudoomiyaha Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Africa Danjire Bankole Adeoye oo uu weheliyey Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira ayaa Madaxweynaha uga mahad celiyay soo dhaweynta diirran ee loo fidiyey, isaga oo bogaadiyey horumarka Dowladda Soomaaliya ay ka gaartay geeddi-socodka arrimaha doorashooyinka, amniga dalka iyo la dagaallanka argagixisada.

Kulankan waxaa Madaxwaynaha ku weheliyey Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Maxamuud Cabdi Xasan Beekoos, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciise iyo masuuliyiin kale oo ka socday Wasaaradaha XFS ee xiriirka la leh arrimaha hawl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

May be an image of 2 people, people sitting, people standing and indoor
May be an image of 7 people, people sitting and indoor
May be an image of 7 people, people sitting and indoor
May be an image of 4 people, people standing and indoor
May be an image of 2 people, people sitting and indoor

Loading...
Loading...