Xukuumadda Somalia & Midowga Afrika oo ka wada hadlay Ammaanka doorashada
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadsa xilgaarsiinta Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa Magaalada Muqdisho kula kulmay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Africa Danjire Bankole Adeoye.
Wafdiga iyo Wasiirka ayaa waxaa ay ka wada hadleen Amniga guud ee dalka, kan doorashada iyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee (ATMIS).
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa uga mahad celiyay Wafdiga Midowga Afrika dadaalkooda ku aadan sidii dib loogu soo celin lahaa Amaanka iyo xasiloonida dalka Soomaaliya.
wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Africa Danjire Bankole Adeoye oo shalay soo gaaray Muqdisho ayaa la kulmay, Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, iyada oo kulamada ay sii socon doonaan.