Shahaado Sharafeed Jaamacadeed "Honorary Phd":

0
Sunday February 27, 2022 - 16:23:01 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 941
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shahaado Sharafeed Jaamacadeed "Honorary Phd":

    Waa maxay shahaado sharafeedda PHD or Doctorate.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa maxay shahaado sharafeedda PHD or Doctorate.

- Ugu horayn, shahaado sharafeed jaamacadeed waa shahaado jaamacadi sharaf ahaan u siiso shaqsi mudan in lagu sharfo.



- Shahaado sharafeedda jaamacadeed heerkeedu wuxuu gaadhsiisan yahay "Doctorate or PHD, iyo Master degree",waxaana la siin karaa shaqsi mudan oo taariikh waxbarasho leh, shaqsi mudan oo aan lahayn taariikh waxbarasho sida jaamacad iyo dugsi sare ba.


- Qofka lagu abaal mariyo "Award" ama lagu sharfo shahaado sharafeeddani kuma darsan karo taariikhdiisa waxbarasho, balse waxa loo ogol yahay inuu ku darsado qaybta abaal marinta ee CV-giisa, waayo waxa la ogol yahay in loo isticmaalo sharaf ahaan "Honorific", siyaasad ahaan waa in laga fogaado in si khaldan loo isticmaalo horgalahan darajada ah, sababtoo ah waxa jira sharci joojinaya isticmaalka darajadan ah "Dr".


Taariikhda:

- Taariikhda shahaado sharafeeddan waxay ka soo bilaabmaysaa qarnigii 15 aad, ka dib markii ay jaamacada Orford shahaado sharafeedan ku maamuustay nin la odhan jiray Lionel Woodville


dabo-yaaqadii 1470-dii.

Sababta loo bixiyo:

- Waxa lagu abaal mariyaa qofka si joogto ah loogu casuumo ka hadalka madasha xafladaha qalinjabinta jaamacadaha.

- Hadii aynu si guud u eegno, jaamacadaha dunidu sannadkasta shaqsi ayay lu abaal mariyaan shahaado sharaftan.


Eray bixinta:

- Waa kalmad Latin ah oo la yidha ' Honoris causa" taasi oo u taagan sharaf iyo geesinimo.


Isticmaalka:

- Run ahaantii, isticmaalka horgalaha darajada shahaado sharaftani "Honorary Degree" waa mid aanu darajo ahaan 'Title" u isticmaali karin la siiyuhu, siiba shaqsiga an lahayn taariikh taariikh waxbarasho, si aan bulshada loogu khalkhalin darajadda Doctor ama Professor.


- Sanadii 2001-dii jaamacada Yale university, waxay shahaado sharaftan siiyeen madaxwaynihii hore ee dalka Maraykanka Mudane George W. Bush, walina maynu maqal oo marna maynu arag iyada oo loogu yeedhayo Dr: Bush.


-  Sannadii 1985 kii  jaamacada Oxford university ayaa ku maamuustay shahaado sharaftan gabadhii Raiisal wasaaraha ka noqotay dal Britain Mrs: Margaret Thatcher,loogumana yeedhin Dr: Margaret Thatcher.


-  Inkasta oo ay jaamacaduhu magaca qofka ay ka hor mariyaan Dr. hadana darajo ahaan "Title" looma isticmaali karo.


- Hadaba, aan ku soo xidho tusaalahan oo muujinaya sida loo isticmaalo darajo ahaan shahaado sharaftan,

( Benjamin Franklin,  wuxuu shahaado sharafta "Honorary master's degree" ka helay ama siisay  jaamacada College of William and Mary, sannnadii 1756 kii. jaamacada University of St. Andrews waxay siisay Honorary doctorate sannadii 1759 dii, "Benjamin Franklin,who received an honorary master's degree from The College of William and Mary in 1756, and doctorates from the University of St. Andrews in 1759".).


Tixraac:

-Honorary Doctorate Guidelines, University of Southern Queensland. 2012.


By: Jamal A. Muse

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...