Waddani Oo Sheegay In Shacabku Uqaybsamay In Malab Faraha Kula Jirta & In Gaajo Udhimanaysa

0
Sunday February 27, 2022 - 11:19:18 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1090
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waddani Oo Sheegay In Shacabku Uqaybsamay In Malab Faraha Kula Jirta & In Gaajo Udhimanaysa

    "Dadkii wuxuu u qaybsamay in faraha malab kula jirta iyo in biyo la'aan gaajo iyo macaluul u dhimatay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dadkii wuxuu u qaybsamay in faraha malab kula jirta iyo in biyo la'aan gaajo iyo macaluul u dhimatay"

Hargaysa (HWN) Xoghaye Xigeenka Ganacsiga ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani  Cabdirashiid Saleebaan ayaa xukuumada Muuse Biixi usoo jeediyay inay cashuur dhaaf samayso mudada ay jiraan abaaraha iyo Sicir bararka iskaashaday.



Xoghayaha ayaa sidaasi ku sheegay qoraalkan hoose oo uu faafiyay:-

 

Masuuliyadaha ummadda dadka qaada ee xambara maaha kuwo dadkii ay u dhaarteen ka dareen duwanaada balse waa kuwo la dareen ah, maanta oo kale Waxa socda imtixaan waxaana la eegaya kuwii ummadda u dhaartay dareenkoodu halka uu ka joogo shacabkooda.

 

Waxa Aan la hilmaami karin In xukumada iyo xisbigeeda Kulmiye ay ku hafteen masuuliyadii ummadda ee ay qaadeen, Waxa cadayn u ah erayada ay ku tirabayan oo  ah, Sicir barar ma jiro.

 

Xukuumadda waar hadaad wax kale awoodi waydeen canshuur dhaaf 100% ah u sameeya ganacsatada khaasatan badeecadaha quutal daruuriga ah.

 

Talo ku socota ganacsatada walaalayaal waad aragtaan halka uu dalkii marayo shacabkiina u tudha in badan ( profit ) waad hesheen maanta khasaare  ( loss ) na u badheedha oo shacabkiina u dhimriya oo qiimaha ugu macquulsan quutal daruuruga kaga iibiya.

 

Culimada walalayal waxaad kow ka tihin hormuudka bulshada sidii dadka abaaraha iyo biyo la,aantu aafeeyeen aad ugu kici lahaydeen baa la idinka rabaa awalna waad u kici jirteen inta jilicsan maantana shacabkii waa surmi Insha Allah kaalintiinii waa idin eegtahay.

Loading...
Loading...