Golaha Wasiirada Itoobiya Oo Ansixiyey Heshiisyo Ay La Galeen Israel Iyo Xeerar Cusub.

0
Monday May 27, 2019 - 14:55:42 in News by
  • Visits: 2463
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Wasiirada Itoobiya Oo Ansixiyey Heshiisyo Ay La Galeen Israel Iyo Xeerar Cusub.

    Golaha Wasiirada Itoobiya Oo Ansixiyey Heshiisyo Ay La Galeen Israel Iyo Xeerar Cusub.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Wasiirada Itoobiya Oo Ansixiyey Heshiisyo Ay La Galeen Israel Iyo Xeerar Cusub.


Addis Ababa(HWN):-Golaha wasiirada dawlada Itoobiya ayaa go’aan ka gaadhay heshiisyo ay hore u wada galeen dalka Israel.


Golaha wasiirada Itoobiya ayaa fadhi ay yeesheen oo uu gudoominayey raysal wasaare Dr. Abiy Ahmed waxa lagu soo bandhigay heshiisyo ay dawladu la gashay wadanka Israel kuwaas oo la xidhiidha dhinaca dalxiiska, wax soo saarka beeraha iyo kastamyada cashuuraha.

Image result for golaha wasiirada itoobiya


Golaha wasiirada Itoobiya ayaa sheegay in heshiisyadani ay caawin doonaan in si wanaagsan loo maamulo goobaha ay ka soo baxaan dakhligu isla markaana uu dhaqan galo xeerka lagu maamulayo , iyada oo labada dal ay wadaagi doonaan khibrada ay u leeyihiin dhinaca dalxiiska isla markaana uu heshiiskani balan qaadayo in la fuliyo heshiiska kale ee la xidhiidha beeraha.


Dood dheer ka dib golaha wasiirada Itoobiya ayaa isku raacay inay ansixiyaan heshiiska dalxiiska oo ay soo diyaarisay wasaarada arimaha dibadu, iyada oo loo gudbiyey golaha baarlamaanka sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska raysal wasaaraha.


Sidoo kale golaha wasiirada ayaa falanqeeyey sharci ay soo diyaarisay wasaarada dakhliga ee Itoobiya kaas oo wax ka badal lagu sameeyey xeerka maamulka kastamada iyo xeer kale oo ay soo diyaarisay wasaarada horumarinta magaalooyinka iyo dhismaha kaas oo la xidhiidha in dhulka loo haysto dano guud isla markaana laga qaado cashuuro.


Wax ka badal lagu sameeyey labadan xeer ka dib golaha wasiirada ayaa u gudbiyey baarlamaanka si ay waajibkooda sharci uga gutaan sida uu sheegay xafiiska raysal wasaruhu.


Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland
Loading...
Loading...