Shil geystay dhimasho & dhaawac oo ka dhacay Muqdisho.

0
Sunday February 27, 2022 - 09:49:22 in News by
  • Visits: 765
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shil geystay dhimasho & dhaawac oo ka dhacay Muqdisho.

    Gaariga Dadka Jiiray ayaa Nuuca aan Xabaddu Karin oo uu lahaa qof Masuul ah..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gaariga Dadka Jiiray ayaa Nuuca aan Xabaddu Karin oo uu lahaa qof Masuul ah..

Inta la xaqiijiyey hal qof ayaa ku dhintay halka 5-qof ay dhaawacmeen, kadib markii gaari nooca raaxada ah uu shil ku galay Maqaayad ku taalla Agagaarka Isgoyska Shaqaalaha ee Magaalada Muqdisho.


 

Shilka ayaa yimid kadib markii uu bareeg-goostay dad ku caweynayey banaanka maqaayad lagu magacaabo Mr. Fruto oo ku taalla isgoyska Shaqaalaha ee magaalada Muqdisho.



 

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dadka shilka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay ay ahaayeen kuwo fadhiyay banaanka maqaayada, waxaana dadka dhaawacmay la geeyay mid kamid ah Isbitaalada kuyaalla Magaalada Muqdisho.


 

Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa tegay halka shilka Gaari uu ka dhacay, waxaana wararka aan helnay ay sheegayaan in Ciidamada ay xireen darawalkii Gaariga.

Loading...
Loading...