Maamulka Koonfur Galbeed oo shaaciyay kuraas la qabanayo doorashadooda

0
Sunday February 27, 2022 - 08:08:55 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 546
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Koonfur Galbeed oo shaaciyay kuraas la qabanayo doorashadooda

    Kuraasta la shaaciyay oo Afar ah ayaa kamid ah kuraasta ka harsan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kuraasta la shaaciyay oo Afar ah ayaa kamid ah kuraasta ka harsan



Guddiga hirgelinta doorashada heer Dowlad Goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa Maanta waxa uu shaaciyay qaar ka mid ah kuraasta deegaan doorashadoodu tahay Magaalada Baydhabo Kuwaas oo doorashadooda la qaban doono isbuucan.


Kuraasta la shaaciyay oo Afar ah ayaa kamid ah kuraasta ka harsan 19 kursi ee u dhiman doorashadooda Maamulka Koonfur Galbeed, waxaana kuraasta la shaaciyay ay kala yihiin.



 

1: Hop#275 oo uu hadda ku fadhiyo Sheekh Shaacir Sheekh Maxamed Xasan.

2: Hop#230 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyo Pro, Cabdiraxmaan Aadan Ibraahim (IBBI).

3:Hop#183 oo uu ku fadhiyo Sandheere Maxamed Iftin.

4: Hop#178 oo uu ku fadhiyo Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Xasan Cali Maxamed Amar-dambe.


Maamulka Koonfur Galbeed ayaa horay u soo geba-gabeeyay kuraasta Golaha Shacabka ee degaan doorashadooda labaad oo ah Magaalada Baraawe, waxaana la filayaa in 19 kursi ee uga harsan Magaalada Baydhabo inay dhawaan soo geba-gabeeyaan.

Loading...
Loading...