Xukuumada Somaliland Oo Sheegtay In Ay Abaartu Saamaysay Dad Ka Badan Hal Milyan

0
Saturday February 26, 2022 - 20:12:08 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 838
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Somaliland Oo Sheegtay In Ay Abaartu Saamaysay Dad Ka Badan Hal Milyan

    ."In la is dhaleeceeyo maaha, ee kii booyad awoodaya…"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

."In la is dhaleeceeyo maaha, ee kii booyad awoodaya…"

Hargaysa (HWN) Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ka dayriyey xaaladda nololeed dad ka badan hal milyan oo qof oo ay abaaro ba’an la soo darseen.

 

Seylici oo ah guddoomiyaha Gudidda abaaraha Somaliland ayaa dhinaca kale difaacay hawsha ay guddiga uu madaxa u yahay ay hayaan ee ku aadan wax ka qabashada abaaraha.

 

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa Hargeysa ugu warramay Khadar Maxamed Cakule, oo ka tirsan Idaacada VOA Somali.

 

Waxaanu yidhi."In la is dhaleeceeyo maaha, ee kii booyad awoodaya iyo kun booyadood awoodaya in dadkii loo wada gurmado ayaa loo baahan yahay maanta.

 

Abaartu hadda dad gaadhaya milyan iyo badh ayay saameynaysaa, waxaanay hadda soo gaadhay xeebaha galbeed, dhab ahaantii xaalada abaaruhu meel adag ayay marayaan, gaar ahaan saddexda gobol ee barriga, xaalada ugu daran ee maanta taagan waa biyaha”


Loading...
Loading...