Golaha Wakiillada Oo U Yeedhay Maareeyaha Hay'adda Dekedaha Somaliland

0
Saturday February 26, 2022 - 20:02:06 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 846
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Wakiillada Oo U Yeedhay Maareeyaha Hay'adda Dekedaha Somaliland

    "Maareeyaha ayaa intaas ku daray dhinaca kale inay xalliyeen cabashooyin"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Maareeyaha ayaa intaas ku daray dhinaca kale inay xalliyeen cabashooyin"

Hargeysa (HWN)   Guddida Dabagalka iyo ilaalinta Hantida Qaranka ee Golaha Wakiilada ee Somaliland ayaa kulan la qaadatay maareeyaha hay’adda dekedaha ee Somaliland

 

Kulanka oo ay saxaafadu dibad joog ka hayday ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa war-fidiyeenada uga waramay wixii ay ka wadda hadleen maareeyaha hay’adda dekedaha, Siciid Xasan Cabdillaahi, waxaana uu sheegay in guddida ay ka wada hadlayeen hawlaha baaxadda leh dekedda Berbera ka socda, isagoo xusay in dhammaan su’aalihii ay guddidu ay weydiisay ay si fiican uga jawaabeen hay’ad ahaan.

 

Maareeyaha ayaa intaas ku daray dhinaca kale inay xalliyeen cabashooyin maalmihii u dambeeyay kasoo yeedhayay shaqaalaha, isagoo tilmaamay in aanay jirn wax haatan cabasho ah oo ka taagan shaqaalaha dekedda Berbera, isla mar ahaantaana ay shaqadu u socoto sidii loogu talogalay.

 

Maareeyaha ayaa intaas raaciyay in dekedda Berberi ay maanta ka mid tahay dekedaha ugu horreeya Afrika, taasna lagu gaadhay ballaadhinta dekedda caalamiga ah ee Berbera iyo siyaasadda horumarka ee xukuumadda.


Loading...
Loading...