"Waxaan Is Leeyahay Abaartii Hore Ee Ina Soo Martay Ayaa Tan Ka Xumayd…" Guddoomiye Riyo Raac

0
Saturday February 26, 2022 - 14:42:43 in News by A. Asbaro
  • Visits: 994
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waxaan Is Leeyahay Abaartii Hore Ee Ina Soo Martay Ayaa Tan Ka Xumayd…" Guddoomiye Riyo Raac

    "Waxaan Is Leeyahay Abaartii Hore Ee Ina Soo Martay Ayaa Tan Ka Xumayd…" Guddoomiye Riyo Raac

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaan Is Leeyahay Abaartii Hore Ee Ina Soo Martay Ayaa Tan Ka Xumayd…" Guddoomiye Riyo Raac



Hargeisa(HWN):-Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Somaliland Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac), ayaa sheegay in Abaarta maanta ka jirta Deegaannada Somaliland ay ka xumayd Abaartii inna soo martay Sanadkii 2016-kii.
Saciid Cagjar - Guddoomiye riyo raac Maxa aad ku Xasuusta? | Facebook


Guddoomiye Riyo-raac waxa uu sheegay in Gurmad iyo is caawin loo baahan yahay in lagaga baxo Abaarta maanta taagan, waxaannu boggaadiyay sida ay u shaqaynayso Wasaaradda Biyaha Somaliland.

"Waxaan filayaa in hadalkiiba la dhammeeyay, meeshanna hadal-ba ma oolline waxay ahayd Xisaabtan, markaa waxay ahayd in laba ama saddex qof inta la dhagaysto la yidhaahdo hawsha waa lagu soconayaa uun bay ahayd, waxaan is leeyahay anigu arrinta la isugu yimid runtii waa arrin muhiim ah.

Waxaan u mahad-naqayaa dhalinyaraddii isku keen keentay, waxa kale, oo aan u mahadnaqayaa Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Cali Xasan Maxamed (Cali Marreexaan) oo hawl wayn ka qabtay, anigu waxaan ogahay ilaa shan ceel oo laga sameeyay deegaannadaas, waxa kale oo hadda la innoogu bushaarreeyay Ceelashii biyaha macaannaa oo la qoday, markaa Wasaaradda Horumarinta Biyuhu si fiican bay u shaqaynaysaa oo ay hawsha u waddaa.

Abaartunna sidaa la sheegay waa Abaar baahsan oo dalka oo dhan ka jirta, waxaan is leeyahay Abaartan waxa ka xumayd abaartii ina soo martay 2016-kii iyo 2015-kii, waxaanna Abbaartaas lagu dhaafay Gurmad ay cid weliba samaysay, markaa siddii taas hore looga baxay ayaa tanna looga baxayaa.

Loading...
Loading...