Duulaanka Ruushka Waxa Xigi Doonna Isku Day Uu Putin Ku Doonayo Inuu Ku Qabsado Wadan NATO Ka Mida.

0
Saturday February 26, 2022 - 11:39:36 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1383
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duulaanka Ruushka Waxa Xigi Doonna Isku Day Uu Putin Ku Doonayo Inuu Ku Qabsado Wadan NATO Ka Mida.

    W/Q Nimcan Bihi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q Nimcan Bihi

Duulaanka ruushku uu ku qaaday yukrayn waa tijaabadda koobaad ee ay marayaan waddamada reer galbeedku, taas oo haddi ruushku ku guulaysto dhirbaaxo weyn ku noqonaysaa waddamadii maamulayay dhaqaalaha addunka iyo cududii ciidan ee carshigan maanta.

 

Ciidamada sirdoonka maraykanka ayaa labba bil ka hor u soo bandhigay madaxweynaha maraykanka qorshaha duulaan ee ruushku ku qabsannayo yukrayn, halka la filayo in la helay sidoo kale xog ay ka mid tahay damaca putin ku doonayo innuu ku weeraro qaar ka mid ah wadamada bariga yurub ee ka midka ah gaashanbuurta NATO waa Estonia iyo Poland e, halkaaso maraykanka iyo jarmalkuba ciidamo u dirayeen isbuucyadan.

 

Wixii ka danbeeyay dagaalkii qaboobaa ee addunka (cold war) iyo burburkii midawgii soofiyeedka, ruushku wuxuu u eekaa dal caadiya oo aan saamayn badan ku lahayn siyaasadda addunka. Laga soo bilaabo 2008 dagaalkii joorjiya iyo ruushka waxa isa soo taraysay awoodda ciidan iyo ta dhaqaale ee addunka uu ku yeelanayo ruushku, garab isdaagi xukuumadda syria-na waxay u noqotay putin tijaabo cusub oo uu ka qaaday xulafadii maraykanka.

 

Reer galbeedku waxay iska dhextuseen iyagu dagaalkan yukrayn dariiq lagu curyaamin karo dhaqaalaha ruushka, si uu u dhimo saamayntiisa awoodeed, loona galiyo mashaqo dhaaqaaleed(ecenomic crisis).

 

Haddii uu guulaysto qorshaha ruushku, waxa isna tijaabin doona cuddudiisa china oo weerar ba'an ku qabsan doona taiwan, taas oo dhawaan uun la saxeexatay heshiish soomaalilaan oo ah iyaduna gooni-goosad aad ictiraaf haysan.

 

Saamayn ballaadhan baanay ku yeelan doonta soomaalilaan haddi uu qorshaha ruushku meel maro, china-na uu ku duulo taiwan, wuxuna albaab walba oo ictiraaf raadin ah ka soo xidhi karaa soomaalilaan, maadam china noqon karo wadanka ugu dhagaalaha badan addunka tobbanka sanno ee soo socda sida ay qortay VoA.

 

Haddaba wasaaradda arrimaha dibbada soomaalilaan ma samaysay baadhitaan loogu meeldayayo surrinka laga saarayo siyaasadda dalka?.

 

W/Q Nimcan Bihi

Email:  [email protected].

Frankfurt-Germany.

 

 

 

 

 

 

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...