Somaliland Maxaa Uga Meel Yaalla Dagaalka Biyaha , Ciidamada Badda Eeethiopia Iyo Tartanka Kala Hororsiga Dhaqaalaha?

0
Saturday February 26, 2022 - 11:29:18 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1284
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Maxaa Uga Meel Yaalla Dagaalka Biyaha , Ciidamada Badda Eeethiopia Iyo Tartanka Kala Hororsiga Dhaqaalaha?

    W/Q: Mohamed Abdi Jama

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Mohamed Abdi Jama

Jamhuuriyada Somaliland waa dalka ugu haboon bada cas xaga istaratijiyada juquraafiga ( geo-strategic ) iyo xaga ganacsiga juquraafiyada ( Geo-economic ) ee ku yaalla Badda Cas ( Red-Sea ) waxa uu la leeyahay xuduud badeed dhereran 850Km badda.

 

Sida sharciga caalamiga ahi dhigayo dhinaca gudaha badda dalwaliba waxa uu leeyahay xuduud ah 12mile ( 19.3km ) waxaa kale oo jira in dalkasta leeyahay ilaa 200 mile ( 322 km ) oo loo yaqaan badda qaybta dhaqaalaha u khaaska ah ( exclusive economic Zone ) oo dalwaliba leeyahay waxii khayraad shidaal ,macdan ,kalluun ku jira gudaha badda , laakiin dalna uma diidi karo isticmaalka maraakiibta iyo diyaaradaha maraya qaybtan.

 

Haddaba waxa jirta in Badda cas ay noqotay furin cusub oo lagala dagaalamo argagixisada ( Antiterrorism) laga soo bilaabo 11-Sept-2001 , sidoo kale waxa ay noqotay bugcad lagala dagaalamo budhcad badeeda ( antipiracy) , xaaladahani waxa ay ka dhigeen meel aduunka oo dhami ka raadiyo fursad saldhigyo badeed iyo qaar barri oo ciidan ay ka sameystaan.

 

Waxa kale oo muhiimada marin biyoodka badacas ugu weyni tahay waxa ku yaala Bal Al-mandeb oo ay maalintii celcelis ahaan ka gudbaan ugu yaraan 60 markab oo maceeshad iyo shidaal u wada Europe iyo maraykan ama badeecado kale ka sida Europe iyo America.

 

Waxa lagu qiyaasay in ay maalintii Bab El Mandeb ka gudnaan 6.1milyan foosto oo ah saliida caydhiin iyo shidaalada kala duwan iyo ilaa 50 milyan oo tan oo wax soosaarka beeraha ah ( sida raashinada ) halkaasi waxa kaaga cad muhiimada uu aduunka u leeyahay marinkani oo uu dalwaliba u danaynayo.

 

Gobolka Geeska Africa oo aan xaaladihiisa siyaasadeed 40 kii sanadood ee ugu dambeeyay deganayn iyo burburka ku yimid dalka Yemen ayaa sababay in dalwaliba uu ilaashado badeecadihiisa u kala gooshaya aduunka oo uu ciidamo badeed keensado badda cas , marka laga tago ciidamada maraykanka oo iyagu wadamada khaleejka iyo badacas joogay ilaa 2001.

 

Dalka Djibouti oo ku yaalla wajahada badacas badkiisa dhuleedna uu aad u yar yahay ( 23200kmsq ) halka dadka dalka Djibouti na lagu qiyaaso ilaa 850 kun oo qof , ku yaalla ilaa 6 saldhig ciidan iyaga oo ciidamo dalal kalena badiisa joogaan waxaana saaran culeys weyn oo ay ku kaliftay sababo dhaqaale maadaama uu dalka Djibouti dhaqaalihiisu ku xidhan yahay adeega dekedaha iyo bugcadaha ciidan ee bad iyo barigaba kirada ay ka qaataan iyo shaqaalaha ka shaqeeya.

 

Waana dalka aad uga faaiideystay  badda marka loo eego dalalka la jaarka ah ee Erateria iyo Somaliland waxaana uu abuuray fursado dhaqaale iyo maalgashi uu aduunku ku sameeyo dalkaasi si uu u noqdo barta ugu weyn ee laga quudiyo gobolka Geeska Africa gaar ahaan dalka Ethiopia oo ay ku nool yihiin 100 milyan oo qof.

 

Dalka Jamhuuriyadda Somaliland oo badkiisu 176,120 kmsq halka dadka jamhuuriyada Somaliland na yihiin 5 milyan oo qof xuduudkiisa dhereran ee baduna yahay 852km ( 530 mile ) ayaa dalwaliba rabaa in uu yimaado oo uu ka helo bugcad uu dago ciidan ahaan iyo istaraji ahaanba.

 

Waxaa maalgalin ku sameeyey Airport ka magaalada Berbera iyo Dekeda Berbera dalka UAE iyo Shirkada Dp World oo galiyey lacag dhan $442million si ay Somaliland ula tartanto dalalka iyo dekedaha jaararka ilaa hadda na waxa socda hawlahaasi oo la wadaa.

 

 ????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????��????????????, ????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????.

 

Marka la eego xaaladaha Gobolka Geeska Africa ka taagan ee dalalka jaarka qaar ciidamo badeed u dhisanayaan iyaga oo aan bad lahayn Somaliland ka maarmi mayso in ay u diyaar garawdo arimahani xasaasiga ah ee saamaynta ku leh.

 

xaaladaha guud ee gobolku ma wanaagsana oo Ethiopia waxa ay rabtaa bad , Djibouti waxa ay rabtaa in dhaqaalaha gobolka Geeska Africa ay kaligeed u weel tolato, halka ay Erateria doonayso in ay kaalin mug leh ka ciyaarto gobolka oo ay noqoto albaabka Geeska Africa laga gelayo iyo cida faraha aduunka kale haysa.

 

Halka dalka Masar oo ay Ethiopia isku hayaan biyo xidheenka GERD uu rabo in bugcad uu dego ka helo gobolka Geeska Africa iyaga oo u arka in uu halis ku yahay biyo-xidheenka Ethiopia xaaladaha nololeed ee dalkaasi maadaama dadka Egypt 97% ku tiirsan yihiin biyaha wabiga niilka iyo in ay ciidamada loo samaynayo badacas gadhwadeen ka noqdaan.

 

Xiligani oo waliba laga baqayo in uu dalka Masar iyo Ethiopia uu ka dhex qarxo dagaalkii biyuhu kaasi oo saameyn doonaa guud ahaan dawladaha gobolka , waxaana werwer laga qabaa is diyaarinta ciidamada Ethiopia ee Ruushku dib u habaynta ku sameynayo iyo ciidamada halista ah ee Masar oo uu dalka maraykanka iyo dawlado badan oo kale tacab badan galiyeen in ay is waajahaan.

 

Dhinaca kale gobolka waxa ku loolamaya quwadaha aduunka oo waxaa is-balaadhintiisa xoogan laga dareemay dalka shiinaha ( China ) oo badanka dalalka Geeska Africa jooga halka dhaq-dhaqaaqa ciidamaysan oo ruushku ka wado gobolka uu ka jiro wadamada Erateria iyo Ethiopia.

 

Waxaa dhanaca kale jira Jamhuuriyadda Somaliland oo uu u jan-jeedha dhinaca dawladaha reer Galbeedka ee maraykanka ,ingiriiska iyo faransiisku in ay xidhiidh taariikhiya la gashay dalka Taiwan  kaasi oo noqday arinkii ugu hadal haynta badnaa aduunka sanadkii ugu dambeeyay.

 

Waxaana suurtagal ah in loolanka iyo hirdanka hogaaminta aduunka ee dhaqaalaha iyo cududa awoodeed uu soo galo Gobolka Geeska Africa oo uu ka mid noqdo meelaha lagu kala adkaanayo , kaasi oo in badan aduunka indhaha ugu hayo dalka China oo ka xun xidhiidhka Jamhuuriyada Somaliland iyo Taiwan.

 

Mohamed Abdi Jama

Mohamed Dhimbiil

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...