Madaxweynaha Ukraine Oo Ku Gacan Seyray Dalab Uga Yimid Mareykanka

0
Saturday February 26, 2022 - 09:19:23 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1740
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Ukraine Oo Ku Gacan Seyray Dalab Uga Yimid Mareykanka

    "Marka aad ina soo weerartaan, waxaad arki doontaa wajiyadeena balse arki meysaan dhabarkayaga"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Marka aad ina soo weerartaan, waxaad arki doontaa wajiyadeena balse arki meysaan dhabarkayaga"

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa diiday dalab uga yimid xukuumadda Washington oo ahaa in laga caawiyo sidii looga soo saari lahaa dalka, sida ay ku warrantay warbaahinta Mareykanka.

 

"Dagaalka ayaa halkan ka socdaa, waxaan u baahanay hub” sida ay baahisay wakaaladda wararka ee AP oo soo xiganeyso sarkaal sare oo ka tirsan sirdooonka oo si toos ah ula socday wada hadalka.

 

Dowladda Mareykanka waxay diyaar u tahay inay caawiso madaxweyne Zelensky, ayuu yiri wargeyska Washington Post oo soo xiganayo saraakiil u dhalatay Ukraine iyo Mareykanka.

 

Madaxweynaha Ukraine ayaa si weyn loogu ammaanay jawaabta uu ka bixiyay duulaanka Ruushka.

 

Madaxweynaha oo khudbad dhinacyo badan taabaneyso jeediyay wuxuu wacad ku maray in uu sii wadi doono dagaalka.

 

"Marka aad ina soo weerartaan, waxaad arki doontaa wajiyadeena balse arki meysaan dhabarkayaga” ayuu yiri Zelensky.

 

BBC


Loading...
Loading...