Xirsi Oo Sheegay In Intii Muuse Talada Hayay Dalka Ay Ku Habsatay Busaarad Iyo Sicir Barar

0
Friday February 25, 2022 - 20:12:58 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1023
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xirsi Oo Sheegay In Intii Muuse Talada Hayay Dalka Ay Ku Habsatay Busaarad Iyo Sicir Barar

    "Xukuumadda waxaanu leenahay bulshada dhagaysta"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xukuumadda waxaanu leenahay bulshada dhagaysta"

Hargeysa –(HWN)  Guddoomiyaha xisbiga WADDANI mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa xukuumadda Somaliland ku eedeeyay inay dhagaha ka furaysatay, xaalada sicir bararka.

 

Guddoomiye Xirsi ayaa sheegay in sicir-bararku yahay xaalad taagan oo u baahan in wax laga qabto "Xukuumadda waxaanu leenahay bulshada dhagaysta, waa dhab sicir bararku, dawayna mayso in aad isku dhagoolaysaan”.



Xirsi ayaa sheegay in sicir-bararka ka sakow ay bulshada soo food saartay busaarad intii ay talada haysay xukuumada madaxweyne Biixi.


Waxa uu ku andacooday in sicir-bararka ay sii kordhiyeen dano ganacsi oo gaar ah "Waxa weheliya dano ganacsi oo gaara, korodhka ku yimid tacriifadii dekedda, maqnaanshaha nidaamka la socodka ascaarta”.


Waxa uu sheegay in marka sicir-bararka laga yimaado ay sidookale jirto busaarad bulshada ku habsatay intii ay xilka haysay xukuumada madaxweyne Biixi.


"Mushkilada dalka ka jirtaa maaha sicir barar kaliya laakin 4-tii sanno ee ay xukuumadani joogtay waxa dalka ku habsaday dhaqaale xumo iyo busaarad sababay in ay xidhmaan meherado badani, kuwa kalena ay qarka u saaran-yihiin” ayuu yidhi Xirsi” ayuu yidhi Xirsi.


Bulshada Somaliland, ayaa ka cabanaysa sixir-barar saameeyay maciishada iyo shidaalka

Loading...
Loading...