Yaa Kusoo Baxay Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka Ee Ka Dhacday Muqdisho?

0
Friday February 25, 2022 - 16:16:16 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1450
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaa Kusoo Baxay Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka Ee Ka Dhacday Muqdisho?

    "Safiirka Soomaaliya ee Pakistan Khadija Maxamed Al-makhzoumi ayaa ku guuleysatay kursiga HOP034"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Safiirka Soomaaliya ee Pakistan Khadija Maxamed Al-makhzoumi ayaa ku guuleysatay kursiga HOP034"

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu doortay shanta kursi ee beelaha Benaadiriga ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo dhowr jeer oo hore uu dib u dhac ku yimid doorashadooda.

 

Safiirka Soomaaliya ee Pakistan Khadija Maxamed Al-makhzoumi ayaa ku guuleysatay kursiga HOP034 kaas oo uu hore ugu fadhiyay Khaalid Macoow.

 

Taliye ku xigeenkii hore Ciidanka Booliska Goblka Banaadir Maxamuud Cabdulqaadir Jeego ayaa isna ka mid noqday saraakiisha kusoo baxay kuraasta Golaha Shacabka, kaddib markii uu ku guuleystay kursiga HOP84.

 

Guddoomiyihii hore ee degmada Xamarweyne Cumar Shariif Jeeg ayaa ku guuleystay kursiga HOP266 oo ay hore ugu fadhisay Biibi Khaliif Maxamed.

 

Kursiga HOP105 oo waxaa isna kusoo baxay Cabdiraxman Cabdulqaadir Cadde, halka Maxamed Nuur Abuukar uu ku guuleystay kursiga HOP265.


Loading...
Loading...