Nin loo xiray dilka Imaam Soomaali ah oo lagu dilay Mareykanka

0
Friday February 25, 2022 - 10:48:27 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 2161
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin loo xiray dilka Imaam Soomaali ah oo lagu dilay Mareykanka

    ohn W. Wooden Jr. ayaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta dilka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ohn W. Wooden Jr. ayaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta dilka



Waxaa magaaladda Columbus gobolka Ohio elague dalka Mareykanka lagu qabtay, xabsina loo taxaabay nin la sheegay in uu yahay qofkii dilka toogashadda u geystay Imaam Sheekh Dr. Mohamed Hassan Aadam oo Soomaali ah.


 

John W. Wooden Jr. ayaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta dilka uu u geystay Imaam Dr. Mohamed Hassan Adam. Sidda warqada dacwada lagu soo oogay ku qoran, ninkan Sheekha dilay ayaa la sheegya in uu yahay qof danbiyo kala duwan horay u soo galay oo xabsi ka soo baxay bishi March 2021.



 

Booliska Mareykanka ayaa waxaa ay sheegeen inay baaritaan dheeraad ah ku sameeynayaan Ninka loo heysto dilka Imaam Sheekh Maxamed kadibna wixii kasoo baxa ay Warbaahinta la wadaagi doonaan.


 

Imaam Dr. Mohamed Hassan Aadam oo la waayey bisha December 23, 2021 markii uu todobadii habeenimo uu ka tagay masaajidka uu Imaamka iyo Sheekha ka ahaa ayaa maydkiisa oo baabuur ku jira ay heleen dad Soomali ah oo kamid ah dadkii ka qayb qaatay gurmadka baadi goobka Sheekha lagu raadinayey markii ay taariikhda aheudDecember 24, 2021.

Loading...
Loading...