Ukrain Cashar Baa Noogu Jira Haddaan Soomaali Nahay.

0
Thursday February 24, 2022 - 22:21:36 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2034
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ukrain Cashar Baa Noogu Jira Haddaan Soomaali Nahay.

    By, Faisa Farah Suusle!!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

By, Faisa Farah Suusle!!

1. Dalkaas dhan waxa uu eersaday in uu daris la yahay dal ka weyn oo ka dad iyo ciidan badan, hadana aan la hayn Dekedo la isku hallayn karo oo shaqeyan karta sanadkoo idil.


Dalka Ruushka dakadaha uu leeyahay baraf ayey noqdaan bilo badan oo ka mid ah Sanadka, qaarna waa yaryar yihiin oo Maraakiibtu kuma soo xiran karto.



2. Ukrain waxa ay eersatay Heshiis aan laga fiirsan oo ay la geshay dalka Ruushka, sanadkii 1997-tii, Heshiiska oo ay ku kireysay Dekedda Sebestopol ee Gobolka Crimra, wakhtigaasna waxaa talada Ukrain hayey qolo aaminsanayd in ay xulufo la yihiin Ruushka.


Ruushku markii uu dareemay sanadkii 2014-ka in qolo cusub oo u janjeerta NATO ay la wareegi rabto talada Ukrain ayuu xoog ku qabsaday Gobolkii uu ka kireystay Dekeddii oo dhan.


*Haka kireyn Dekedahaaga iyo Kaabeyaasha dhaqaalahaaga dal aad daris tihiin oo kaa xoog badan ama mid kaa fog laakiin ay idin ka dhaxeeyaan tartan isku nooc ah.


3. Ukrain waxa ay eersatay tacadiga iyo fogeynta Qoomiyadda laga tira badan yahay ee Ruushka oo ka ah dalkaas 17%, hadana aan wax door ah laga siin talada dalka, xuquuqdoodana aan xil la iska saarin, taas oo ku abuurtay cuqdad iyo in aysan dalkaan waxba ku lahayn.


*Dadkaaga aad ka tiro badan tahay isku hay oo nacayb haka abuuran waa albaabka lagaa soo geli doone.


By, Faisa Farah Suusle!!


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...